|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland Waa Dal Caan ku ah illaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Xaqdhawrka Qaxootiga, waana Dal Hoy u Noqday Shacabka Geeska ee ay Dalalkooda Ragaadiyeen Dagaaladu.W,Xirsi
May 31, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Wasiirka madaxtooyada somaliland Xirsi Cali X, Xasan ayaa Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay facebook wuxu kaga hadlay arimaha qoxootiga dalka yemen kasoo qaxaya oo maalmihi udanbaysa hadal ka taagnaa, Wuxuna u Dhignaa Sidan; Waxaa mudooyinkii u dambeeyey dagaalo xoogani ka socdeen xoogaga is caabinaya ee ku hirdamaya dalka Yemen ee xuduuda badda ah la leh Somaliland, waxaanay dagaaladaasi sababeen baro-kac baaxad badan oo ku yimaada shacabkii kala jinsiyada duwanaa ee ku dhaqnaa dalkaasi Sida la ogyahay, Jamhuuriyada Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey ahaa dal caalamka tusaale uugu noqday dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo soo dhawaynta martida ayaa waxaa soo gaadheyey boqolaal qaxoonti ah oo naftooda kala soo cararay xoogaga maatada dushooda ku hirdamayey Hadaba, Somaliland iyadoo qiimaynaysa xidhiidhka diimeed, dhaqan iyo jaarnimo ayey ogolaasho magan-geliyo qaxootinimo siisay dalalka ay jaarka yihiin ee Yemen iyo Somaalia isla markaana hoy ay ku hurdo caafimaad ku ladaan u fidisay shacabka geeska ee ay dalalkooda ragaadiyeen dagaaladu. Waxaa xusid mudan in uu jiray go’aan hakin iyo hubin ahaa oo ay qaxoontiga kasoo saareen hay’adaha nabadgelyada ee Dawlada Somaliland, waxaanu ku salaysnaa werwerka laga qabay Nabadgelyada qaranka iyo nolosha dadka qaxoontiga ah, oo uu is fahmi-waa soo kala dhexmaray hay’adihii qaabilsanaa qaxoontiga Alxmaduilah hadana si habsami leh u socoto qaabilaada iyo taakulaynta Shacabka kala duwan ee kasoo jeeda dalalka aynu jaarka nahay Waxaan cod dheer ku beeninayaa war ku soo baxay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews oo sheegaya in bog Twitter ah oo aan leeyahay waa sida hadalka loo dhigee ay ku daabacnayd in “xukuumadu celin doonto Qaxootida kasoo bara kacay dagaalada ka socda dalka Yemen” Waxaan leeyahay sidii aan horayba u shaaciyey ciwaanada aan uugu talo galay in aan bulshada ku wada wada xidhiidhno waa kuwan hoos ku xusan: Web: www.guusha.com Page: https://www.facebook.com/ministerhersi Twitter: https://twitter.com/ministerhersi Wixii intaas ka baxsana ay yihiin kuwo aanan masuul ka ahayn , sidoo kale Warbaahintana qaarkoodna waxaan kula talinayaa in ay Ciwaanadaas rasmiga ah uun warka ka xigtaan iskana hubiyaan wararka aan salka lahayn ee ay hubsiimo la’aan daabacayaan Wa Bilaahi Tawfiiq Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|