SOMALILAND-nimadu Ma In Naxariista Laga Tagaa ? – W/Q: A.A. Carab | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMALILAND-nimadu Ma In Naxariista Laga Tagaa ? – W/Q: A.A. Carab
May 29, 2015 - Written by Editor:

Wax ii geeyay Mooyi, ee waxaan ka war helay uun aniga oo ku dheygagsan oo daawanaya muuqaal Fiidiyow ah. Fiidiyowgan waxa ka dhex hadlaya saddex dumar ah oo dhammaantood sheegaya inay carruur wataan ama la socdaan. Waxa kale oo meel Markabka dacalkiisa ah tusbax rogaya nin odey ah oo timaha Madaxiisu wada cad yihiin, waxa gacanta uu Tusbaxa ku rogayo maahee ta kale haysata inan yar oo korkeeda diifi ka muuqata.

A,A,Carab

 

Haweenka saddexda ah ee hadlaya hadba mid baan muuqeeda arkayaa, mid ka mid ah oo xambaarsan ilmo yar oo aan maleeyay inuu hurday, laba carruura oo kala yarna dhinacyada haysteen ayaa dhawaaq dhiileysan ku muddey cod duubaha Kamaraddii dhankeeda ku jeeday “Carruur yaryar baanu haysanaa oo way naga xanuunsanayaan.. Markabka ayaanu ku soo rafaadney ee maxaad Rafaadka noogu waddaan..” ayay ku calaacashay iyada oo farta ku fiiqeysa ilmaha ay xambaarsan tahay “Markabka naga dejiya ama na celiya..” ayay si daalan u raacisay. Laakiin haweenay kale oo sheegtay inay dagaallada Yemen kala soo qaxday 13 carruur ah, ayaa markii ay aragtey inaan loo jawaabeyn haweenayda ka horeysay ayaa hadal cadho awood la’aaneed ka muuqata ku tidhi “Anigu Koonfurta Soomaaliya ayaan u dhashay, laakiin imika uma socdo, waxaan rabaa inaan Burco iyo Hargeysa carruurta ku korsado ee waxaan codsanayaa in Markabka la naga dejiyo oo nasanno, dabadeedna annaga ayaa is debareyna’e..”

 

Inta labada hooyo hadlayaan waxa isaguna meel ku dhow ka hadaya odeyga timaha cad leh, waxaanu leeyahay isaga oo aanay kamaraddu u qasdiyin dhankiisa “Anigu haddaan reer Koonfur ahay, xaaskaygaa Isaaq ehe Markabka ha la naga dejiyo..”.

 

Dadkan Maatida ahi xilliga ay la hadlayaan warbaahinta oo taagan Markabka ay ku xaniban yihiin hoostiisa waxa iyaguna taag taagan qoysas iyaga la mid ah oo Somaliland u dhashay, sida isla Fiidiyowgaa uu ku sheegayo Fahmi Cabdi Bidaar oo ku Magacaaban Guddoomiyaha gobolka Saaxil “…8 qof oo Yemeniyiin ah, qoys reer Somaliland ah iyo Qoys reer Soomaaliya ah oo ku soo dhex dhuuntey ayaa ka soo degay Markabka” ayuu sheegay Badhasaabku, waxaanu intaasi raaciyey in amarka lagu joojiyey dadka reer Soomaaliya sidiisii yahay  “Amarkii joojintu waa sidii loo joojiyey..”.

 

xilliga uu Fahmi Cabdi Bidaar hadalka caynkaas ah u sheegayo saxaafadda waxa Markabka dushiisa ka soo qaylineysa hooyo sheegtay inay lix carruur ah wadato, waxayna iyada oo hadalkeeda laga dareemayo oohin iyo rejo la’aan tidhi “Wallaahi, Haddii Markabku uu naga dejin waayo dhulkayagii (waxay u jeeddaa Soomaaliy), aniga iyo Carruurteydu badda ayaanu isku shubeynaa, ma dhimashaa noo dhaanta dhimasho…”

 

Aniga markii iigu dambeysay, hadal kasta oo ay Markabka dushiisa ka sheegteen lama tixgelin maatidaa ka soo cararay colaadaha ku habsaday dalkay ka magan galeen dagaalladii dalkooda hooyo ka caydhiyey ee Yemen, loomana jawaabin, oo xitaa waxa la diiday inay dhulka u soo degaan, si ay ugu yaraan biyo ay cabbaan u raadsadaan, maadaama oo xilligan lagu jiro ay cimilada Berbera aad u kulushahay.

 

Lama saadaalin karo xaaladda bani-aadaminimo ee ay waajahayaan hooyooyin, carruur iyo dad waayeel ah oo muddo saddex maalmood ah safar badda ah ku soo jirey, haddana gaadiidkii ay la socdeen keenay deegaan dhibaatada cimiladiisa cid walba og tahay.

Hadal haamo Lagama buuxsho ayay Soomaalida tidhaahdaaye, aniga ilama qurux badna ku dhaqanka go’aankii Xukuumaddu ku joojisay qoxootiga Soomaaliyeed ee soo qaxaya Yemen. Haddaan Somaliland dawladdeedu u badheedhayn inay ka talowdo xuduudaha bani-aadaminimo, Naxariista iyo badbaadinta aadamaha dhibka ka soo magan gala…. Wa Billaahi Towfiiq.

 

Cabdiqaadir A. Carab.

Email: Horseed001@gmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS