Somaliland: Cilmi Falagga iyo Ged-gedoonka Raad-raaca Taariikhda Dunida. Qaybtii 2-aad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Cilmi Falagga iyo Ged-gedoonka Raad-raaca Taariikhda Dunida. Qaybtii 2-aad
May 15, 2015 - Written by Editor:

Intooda badan furitaankii marinkii kanaal Suweys ee  sanadkii 1869-kii.

Qarnigii  18-aad   inkastoo ay ku kala duwanaayeen dhinaca aragtida, fikir iyo nidaamka qorshahooda siyaasadeed quwadihii tartanka ugu jiray kala qaysashada wadamada aduunka, waxaanay aaminsanaayeen laba hab oo kala ahaa, hab guumaysiga ah “ Colony” ( xukunka iyo maamulka dal oo si toos ah uu u xukumo dal-kale)  iyo nidaamkii siyaasadeed ee maxmiyada ahaa “Protectorate ( ku heshiinta illaalinta dal iyo ka xakameynta  wadamada kale inta ay  soo korayaan ),   British protectorate of Somaliland  waxay ka mid ahayd 7-dii dal ee maxmiyada u  ahaa boqortooyadii ingriiska,  sannadihii 1841-1960-kii.  waxa kale oo ay ahaayeen  dalalkii boqortooyadii ingiriisku  sida tooska ah u xukumaysay 24-dal.

Qarnigii 19-aad ged-gedoonkii dunida  iyo dabeylihii xornimo doonka ee socday sannadkii 1960-kii, waxay ka mid noqotay British Protectorate of Somaliland  22-kii  Dal ee xornimadoodii iyo madax-banaanidoodii  ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska , wadamadaas oo kala ahaa:-  Cameroon, Togo,  British protectorate of  British Somaliland,   Madafascara , Mali Federation,  Union Senegal, French Sudan, Congo,  Somalia,  Republic Dahomey, Niger, Upper Volta(Burkina faso) Chad, Central Africa Republic, Congo Brazzavilla, Cyprus, Gabon, Nigeria, Mauritania, Islamabad, Benin, I very cost.

 

ka dib markii ay ka qaadataya xornimadeeda dowladii Somaliland ee maxmiyada u ahayd boqortooyadii Ingiriiska (British Protectorate of Somaliland) ,  waxay qaadatay magaca Jamhuuriyadda Somaliland ( Republic of Somaliland) balse,  mudo yar ka diba, waxay mar-labaad la’mid noqotay  12-kii  Dal ee isla wakhtigaasi  ku dhawaaqay inay sameysteen  hab-wadaagaan dowladeed oo mideysan, waxaana  gun-dhig u ahaa  dhinaca, dhaqanka, diinta, iyo luuqada ay wadaagaan, dalalkaasoo ahaa ”-   “Mali federation, French Sudan, Union Senegal, Republic of Somaliland, Somalia,  Republic  Dahomey, benin,  Republic of upper volta,  Upper Volta, Burkina faso, Niger,  Congo brazafil iyo Democracy Republic of Congo.

 

ka dib markii ay dhex-mareen dhibaatooyin hor-lihi  dowladii la odhan jiray Katanga ee dalka Congo, waxa madax-banaanideedii ka qaadatay  dowladii  Democracy  Republic of Congo,  waxa iyaguna Xiisad xoogani  ka bilaabmatay xidhiidhkoodii  iyo  midowgoodi, dowladihii  Mali federation,  Union Senegal iyo French Sudan, isla markaana waxa ka go’day  French Sudan taasoo qaadatay madax-banaanideedii, lana baxday  Jamhuuriyadda Sudan “Republic of Sudan”,  haddana waxa  ku kala noqday israacii iyo wada-jirkii, taasoo mid waliba geesteeda u qaadatay  madax-banaanideedii Mali federation iyo Union Senegal,  waxa iyaguna midowgaasi ku kala noqday  Republic  Dahomey iyo benin  oo markii hore la baxay Republic of Upper Volta,  isla wakhtigaasi  waxa iyaguna ku kala noqday midowgoodii, oo qaatay  gooni isku-taag  iyo  madax-banaanidoodii, Burkina faso iyo Niger oo la isku odhan jiray  Upper Volta.

 

Dowladii  Jamhuuiryada Somaliland “Republic of Somaliland”  ayaa hormood ka noqotay raadinta midnimada ka dhalata shantii Soomaaliyeed, ee ay ka mid ahaayeen Somalida waqooyi barri ee dalka kenia, Somalida degan gobolka galbeedka Itoobiya, Koonfurta Somaliya, Jamhuuriyadda Jabuuti, iyo Jamhuuriyadda Somaliland,  si loo hello midnimadii shantii soomaaliyeed,  waxay Jamhuuriyadda Somaliland horseed ka noqtay midowgii koonfurta Somaliya ee Talyaanigu guumaysan jiray, kuwaasoo la baxay Jamhuuriyadda Somaliya “Somali Republic”,   kuwaasoo wada jiray mudo 9-Sannadood ah, ka dibna,  waxa iqlaab militariy ku qabsaday ciidamadii  taliskii  Maxamed Siyaad Barre,  ka dibna, in ka badan 10-Sannadood oo ahaa halgankii hubeysnaa ee ay hogaaminayeen xoogagii  jabhadii SNM ay ku xoreeyeen la soo noqoshada xornimada madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqeen 18-kii May Sannadkii 1991-kii,  waxaanay haddana isla-sannadkaasi  la dhalatay   25-kii Dal ee  qaatay madax-banaanida,  kuwaasoo kala ahaa:-  Republic of Somaliland, Goargia, Croatians, Solvenia, Ukraine, Belarus, Balte state of Estonia, Latvia, Lithuania, Maldove , Kyrgyztan, Uzbakistan, Macedonia, Tajikistan, Armenia, Turkmenistan, South Ossetia, Slovenia, Verkhovna roda, Ukraine, Albania, Belarus, Azerbaijan, Kazakhstan, …………………la Soco Qaybta 3-aad

 

Qoraa:  Maxamed Faarax Qoti

 

 

COMMENTS
LINKS