Somaliland: Cilmi Falagga iyo Ged-gedoonka Raad-raaca Taariikhda Dunida. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Cilmi Falagga iyo Ged-gedoonka Raad-raaca Taariikhda Dunida.
May 11, 2015 - Written by Editor:

Eebaa  iska leh xukunka kownkan iyo maamulkiisa,  ged-gedoonka dunida wuxuu ku yimaadaa qadarkiisa, duniduna waxay ku joogtaa  amarka awooda Alle, cidina lama wadaagto.

Haddana aadamuhu ma daayo waxa ka sheega saadaasha mustaqbalka iyo wax -iska weydiinta  raad-raaca taariikheed, taasoo ay ka dhaxlaan duruus iyo waayo-aragnimo ay ugaga faa’iideystaan, iyagoo ku dabbaqaya hadba xaaladda taagan iyo ayaamaha ku soo foodda leh.

Haddaynu dib-u-halacsano raad-raacii taariikheed ee horaantii qarnigii 17-aad ee aynu soo dhaafnay, sida la aaminsan yahay Somaliland waxay ahayd Dal ku fiican dhinaca Istiraatajiyada ee isku xidha bada-cas iyo badweynta Hindiya.

Sannadkii  1711-kii,   waxa bada-cas ee Somaliland soo gaadhay mid ka mid ahaa markabkiibta ciidamada dagaal ee dalka Spain, oo uu  hogaaminayey Mr. Captain Bito.

Muddo yar ka diba,  markabkaasi markii uu ku soo dhawaaday bariga xeebaha dalka Somaliland, isla-wakhtigaasi, waxay shir la yeesheen maamulkii iyo odoy- dhaqameedyadii  deegaamadaasi oo ay ka codsadeen in la siiyo ogolaansho  ay ku degaan bariga xeebaha Somaliland, laakiinse codsigaasi kamay ogolaanin ee ahaa degsiimada bariga xeebaha, balse waxa kaliyaata ee ay u ogolaadeen  joogitaanka bada oo qudha inay ku eekaadaan, oo aanay u soo gudbin barriga xeebaha bada ee Somaliland.

Mudo dheer ka dib hogaamiyihii markabkaasi  wuxuu amar ku siiyey saraakiishiisii  in si deg-deg ah loo gaadhsiiyo  raashin,  lana soo qiimeeyo xaalada nololeed ee ay ku jiraan dadka ku nool deegaamada u dhow-dhow  barriga xeebaha bada.

Qiimeyntaasi ka dib, waxay kala kulmeen arrin ku noqotay amakaag taasoo ahayd, hees caruureed ay qaadayeen caruurtii ku noolayd deegaamadaasi,  taasi oo ahayd,  ( Kumbulooy, kumbulaalo cadooy,  xabag geed ka baxda, billo-billo koosaar, ta u dheer ku jaroo ku jiqsii, biitooy laabo).

Marka aynu eegno macno ahaan, Kumbulo waxa la odhan jiray ciidamdii dalka Spain, taasoo macno ahaan noqonaysay hees caruureedkaasi Kumbulooy, Kumbulaalo cadooy, “Ciidankii  cadaanka ahaayow”  xabagta geedka ka baxda, Billo-billo koosaar, “  Billo-billo “Waa kalmad dhaj ah oo macnaheedu yahay raashin,  Bito “ waa magaca hogaamiyiha ciidankaasi watay ”  weedhan hees caruureedkaasi oo ahayd “Ciidankii  cadaanka ahaayow,  xabagta geedaha ka baxda ayaanu iska cuni doonaa koosaarowe, raashinkoodan ma rabno “ku jaroo ku jiqsii”  biitooy iska laabo” .

Hees caruureedkaasi oo ahayd gudbin-fariimeed oo  ka turjumaysay fikirka iyo rabitaankooda ay ugu gudbinayeen  ciidamdii kumbulo ee uu hogaaminayey  Mr. Captain bito, oo  dhalasho ahaan ka soo jeeday dalka spain.

Markii uu ka dhageysanaayey Saraakiishiisa, war-bixintii lagu qiimeynaayey u kuur-galida xaalada nololeed ee ka jiray  deegaamadaasi, sidoo kale, waxay war-bixintaasi ku ladheen  Hees caruureedkii ay ka soo maqleen caruurtii ku noolayd deegamadii ay soo arkeen,  heestaasi oo ahayd ( Kumbulooy, kumbulaalo cadooy,  xabag geed ka baxda, billo-billo koosaar, ta u dheer ku jaroo ku jiqsii, biitooy laabo)

ka dib markii ay dhameystireen war-bixintaasi,  Mr. Captain Bito, wuxuu yidhi”-  Maaha arrintani wax-sahlan oo la dhayalsan karro, maadaamaba ay ku abuureen caruurahoodii, isla-markaana wuxuu   go’aansaday inuu ka baxo  xuduudka bada cas ay ku leedahay Somaliland, taasaana sabab u ahayd in ka baxaan bada-cas ee Somaliland, ciidamadii spanishka ee kumbulo oo wakhtigaasi ku jiray baadi-goobka, helitaanka wadamo ay guumeystaan.

Waxa kale oo ay ahaayeen sababihii ku dhiirigaliyey gumeystayaashii reer yurub inay qabsadaan wadamada Africa.     …………………………………….. La soco qaybta (2-aad)

 

Qoraa:  Maxamed Faarax Qoti

 

COMMENTS
LINKS