SOMALILAND: Asxaabta Siyaasada iyo Qabyada La Deriska ah!!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
SOMALILAND: Asxaabta Siyaasada iyo Qabyada La Deriska ah!!!
May 14, 2015 - Written by Editor:

………Habar habarta loo kala baxey, hiririgtii yeedhey,

Harqadihii gidaarada la sudhey, dumarkii heesaayey,

Hadafbaa dhismaha baarlamaan lagu hubeeyaaye,

Hadbana shicibku siduu yahaa, lagu hogaanshaaye,

Hanaankii wax lagu dooran jirey, weli ma heysaan,……

 (Gabyaa: C/llaahi Suldaan Max’ed-Timacade-Gabeygii-Hadaf- 1964kii).

Ugu horeyn nidaamka asxaabta siyaasadu wuxuu Afrika kaga yimid debeda gaar ahaan wadamada reer Yurub ee gumeystey qaarada Afrika. Waxa ay si buuxda u soo shaac baxeen markii dadweynaha reer Afrika ay sida weyn ugu hub-qaateen meel-marka dhadhaqaaqyadii gobanimodoon ee ay gumeystayaashii reer Yurub kala hortageen. Wakhtigu waa bilowgii kontomeeyadii (1950s). Waxaa keliya inta la ogyahey muddadan ka horeeyey dalka Libeeriya oo ay taariikhdu sheegto in nidaamka asxaabta siyaasadu ka jirey ka hor qarnigii 20aad (1860s).

Soomaalidu kala mid ayey ahayd reer Afrika dareenka, taariikhda iyo ujeedada ku lamaaneyd ee hindisaha asxaabta siyaasada. Markii uu hindisuhu bilaabmey guud ahaan Afrika, dhaqdhaqaaqyadii gobanimo-doon ee jirey oo inta badan horkacay facii ugu horeeyey aqoonyahankii reer Afrika oo curdin u badnaa, iskuma ay taxalujin in ay iswaafajiyaan shuruudaha asxaabta siyaasada ee reer Yurub tahriibta inoogu keeneen iyo dhaqanka ummadaha reer Afrika gaar ahaan deegaamada magaalooyinka ee koobnaa xilligan.

 

Run ahaan, dadyowga Afrika wey ku howshoodeen meel-marka geediga axsaabta siyaasada si guud si ay ula-jaanqaadaan balse waxay muddo yar intii lagu jirey keentey in hungo lagala kulmo nidaamka xilligii ay gobonimada hantiyeen wadamo badan oo reer Afrika ah. Kama madhneyn ku lug lahaansho iyo saameynta taban ee lagala kulmey is-heynta galbeedka iyo bariga (dagaalkii qaboobaa). Soomaalidu si joogto ah oo xowli ah ayey uga mid aheyd ummadaha dhaxley jahawareerka shaxdaas adkeyd oo uu dhaxalkeedu noqdey dhagaro shicibka loo geysto, burbur culus oo wadanka wada gaadhey,  barakac balaadhan, iyo amaan daro weli si weyn uga jirta mid ka mid ah labadii gobol ee gobanimada ka dib is-raacey sannadkii 1960kii (Soomaaliya).

Aynu dhugano tuducyo kale sida farshaxanka leh ee gabeygii Hadaf AHUN Gabyaa Timacade 1964kii ugu ladhey guuldaradaas siyaasiga aheyd:-

 …..Hayaay iyo tollaay ragannima, kaga habsaanteene,

Waa waxa halkaa idin dhigay, la hinqan weydeen,

Hadday taladu kuu muuqato, aan lagula haaneedin,

Hibasho waxay kugu tartaa, huq iyo ciile,

Annuun baa hanganayee wanaag, uma hilowdaan,

Muddo ka dib wadamo badan oo reer Afrika ah way ka soo doogeen dhibaatooyinkaas; rabshado joogto noqdey, inqilaab military oo kooxiba koox la dabo-joogtey, iyo khilaafyo siyaasi ahaa oo muddo jiitamey balse bilowgii 1990kii ayaa isla fikirka asxaabta badan dib uga cuboonaadey qaarada Afrika. Wakhtikan waxaa si weyn ugu biirey facyo is-dabo-joog ahaa oo reer Afrika oo ay reer galbeedku daaha dabadiisa ka hagayaan iyo fursado laga helay hoos-u-dhac weyn oo ku socdey dhinacii kale ee bariga intii u dhexeysey 1970kii-illaa-1980kii. Sidan ayaa weli howshu ugu furan tahey reer Afrika. Waayo, ma ay helin wakhti si buuxda ay ugu lafo-guraan nidaamkan iyo sida ugu haboon ee uu ula jaan-qaadi karo dhaqanka, caadooyinka, iyo caqiidooyinka kala duwan ee qaarada Afrika.

Haddaba, Somaliland wakhtigan aynu joogno waa la wadaagtaa walaalaha reer Afrika geedi-socodka jahawareerka huwan ee habka TALO-WADAAGA ah-Democracy-, su’aashu waxaa weeyi maxaa isbedel la tabaan karo aynu gaadhney muddada aynu ku soo dhaqmeyney NIDAAMKA ASXAABTA BADAN (2002-2015).

Ficlan, wey jiraan guulo la sameeyey sida; in muwaadiniintu si xor ah u cod bixiyaan xilliga doorashada, in wada-hadal lagu dhameeyo inta badan khilaafyada siyaasiga ah, isku-kalsooni shacabku helay ka dib samir dheer iyo xanafta geedi-socodka in dib-loo-hirgeliyo dowladnimo loo dhan yahey oo howsheeda lahayd, iyo biseylka dadku gaadhey inta badan in aan lagu deg-degin ku lug-lahaansho rabshadaha gacan-ka-hadalka ah  gaar ahaan xiisadaha siyaasiga ah.

Haddii intaas oo guulo la taaban karo ah la gaadhey, ma jirtaa saaxad hano-qaadey oo aynu taaban karno kana dhaxalney nidaamka tobanka sanno kor u dhaafey ee HABKA ASXAABTA BADAN?

Akhriste, si fudud ha u majiiran jawaabta su’aasha balse maskaxda u fur oo ka fiirso weliba u kuurgal inta garaadku kuu saamaxo sidii aad jawaab waafiya ugu tiirin laheyd su’aashani oo laf-dhabar u ah sii joogteynta si togan oo aynu guulo kale oo hor leh uga gaadhi karno(KU DHAQANKA HABKA ASXAABTA BADAN EE NIDAAMKA TALO-WADAAGA AH-Democracy-)!!!!!!.

 Bal mar kale aynu jaleecno tuducyo isla gabeygii Hadaf ee AHUN Gabyaa Timacade:-

 …..Wakhtigeynu haloosiney xornimo, in aynu soo hoyno,

Hurdadii markii laga kacey, huguntey ay reentey,

Markii loo hanjabey gaaladii, Herer mushaaxeysey,

Heeryada gumeysiga markii, haraga loo tuurey,

Heyb heyb haddey tahoo, laysu soo hirarinin,

Ama aynaan hufneyn dowladnimo, ma hungureyneyneene,

Heydaaradii loo mariyo, halasahaan jiidhney,

Hadhbaa calanka laga soo dhacshee, haddiyad ma aheyne,

Waxaad hiigsataba maalinbaad, soo hirgalisaaye,

Hinjiyoo adduunyada waxaa, ka hadha taariikhe,

Ka habowdey soomaalidaay, hilinkii toosnaaye,…

Xaqiiqatan, waa MAYA balse weynu sameyn karnaa kana midho-dhalin karnaa haddii aynu si quman, degan, oo naf-hur ah, isla markaa mustaqbalka jiilasha dambe iyo aayaha dalkeena dhaxal u reebaysa ugu hagar baxno hirgelinta habka axsaabta badan. WAANA ARRINTII LOO DHINTEY, BARO-KACEY, ISLA MARKAA NAFTA LOOGU HUREY CAHDIGII HALKANKA XORRIYADA EE UU HORKACAYAY URRURKII DHAQDHAQAAQA WADANIGA SOOMAALIYEED (SNM) LA GELEY NIDAAMKII KELIDII TALISKAA AHAA.

Gebo-gabo, waxaynu u baahanahey in aynu si mug leh u qeexno oo ficil ahaan u dabakhno arrimaha hoos ku xusan oo muhiim u ah hirgelinta nidaamka aynu qaadaney ee-Democracy-:-

 

  • Hirgelinta nidaamka asxaab siyaasadeed oo dhab ah isla markaa leh xeer, qorshe hufan, arragti rasmi oo siyaasiyan qeexan, ku dhaqanka iyo meel-marinta xeerarka xisbiga siyaasiga ah iyo kuwa dowliga ah ee dalka u dejisan, iyo illaalinta ku dhaqanka dastuurka iyo kobcinta jiritaanka qanuunada si joogto ah.

 

  • In ay asxaabtu noqdaan qaar si dhameystiran u jira oo aan khayaal aheyn isla markaa aan si qaldan dadka loo gelin. Akhriste bal isbar-bardhig ku samee shantii doorasho ee aynu soo marney??? Runtii, si fudud ayaad u arkeysaa in aaney mid mid la muuqaal aheyn dhinac walba; milanka qabyaalada, ku dhaqan la’aanta heshiisyada siyaasiga ah, adeecid la’aan isla asxaabta qudhoodu ee xeerarka loo dejiyey doorashooyinka iyo kan geedi-socodka siyaasiga ah ee looga baahan yahey kobcintooda, IWM. Doorasho walba mida ay ka horeysey ayey uga dhoweyd in aynu ku sifeyno DOORASHO XALAAL AH. Waa marka aynu jecelnahey in aynu xaqiiqda dhabta ah isu sheegno!

 

  • In geedi-socodka nidaamka siyaasiga ah ee aynu qaadaney ka xoroobo ku tiirsanaanta DAWARO U RAADINTA LA CAADEYSTEY ee shisheeye (75% kharashka doorashooyinka ayeynu ku dawarineynaa-Akhwaan Liibaan-). Yaab weeyi, ummad ayaaha mustaqbalkeeda dibad-yaal noqdey iyo in loo raadiyo yabooh dhaqaale oo joogto noqdey.

 

  • In isbedel deg-deg ah lagu sameeyo Dowladnimada SIYAASIYAN QURBOJOOGA AH. Bal u fiirso axsaabta siyaasadu iyaga oo aan gudaha dalka ka jirin marka laga reebo xubno kooban oo xillal ku magcaaban isla markaa hudheelada shirar jaraa’id ku qabta kuna yoo-yootama maalin walba, ayaa galbeedka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika aad arkeysaa maamulo iyo gole-yaal dhexe oo metela isuna hirdiya si maalinle ah kuwan oo QABYAALADU KU FOG TAHEY SI QAAWAN! Haddii aynu ku qanacsanahey, maxaa aynu madaxtooyada iyo hogaaminta maamulka hay’adaha kala duwan ee dowliga ah ugu wareejin weyney QURBAHA?

 

  • Dhameystirka hirgelinta dhismaha hay’adaha kala duwan ee dowliga ah, siyaasiyan, awood wax-qabad, fidinta maamulka, tayeynta iyo daa-dajinta nidaamka dowliga ah, iyo in la daba-kho akhlaaqda xirfadlanimo iyo dareenka waddaniga ah IWM.

 

  • Ku dhaqanka hadba inta shuruuc inoo diyaar ah; dhinac maamul, dhinac siyaasadeed, dhinac maaliyadeed, iyo dhowrida iyo illaalinta wadajirka ummada iyo dal-weynaha Somaliland guud ahaan.

 

  • Dejinta, meel-marinta, iyo in lagu dhaqmo dhamaan wixii xeerar qabyo ah, ama kala dhantaalan, ama aan la diyaarin si deg-deg ah. Waa in shacabku u dhug yeesho meel-marinta waajibaadkan inta aan la gaadhin xilliga doorashada dhow.

 

  • In laga fogaado wax kasta oo u muuqan kara talo-maroorsi, awooda oo six un loo isticmaalo, iyo isku-milan dhexmara ama ku yimaada awoodaha dastuurku kala xadeeyey; awooda fulinta, mida xeer-dejinta, iyo ka garsoorka ee kala madax-banaan.

 

  • In laga fogaado wax kasta oo u muuqan kara ku dayasho aan habooneyn; sida xoojinta awoodaha aan dastuuriga aheyn ee urrurada bulshada rayidka ah, kuwa lagu awoodeeyo haweenka si khaldan, kuwa dhallinyarada lagu majaro habaabiyo, kuwa diiniga ah, iyo kuwa dhaqanka ee kala aragtida ah isla markaa cunfiga qabyaalada salka ku haya.

  Gunaanad, SOMALILAND MAXAA HOWL INOO QABYO AH oo u baahan curin, tukubin, kobcin, iyo meel-marin hababka kala duwan ee maamulka dowliga ah!

 Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi,

Hargeysa, Somaliland.

 Cell phone: 00 252 (0) 63 4137470.

Email: mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS