|
|||||
WAJAALE NEWS
Safaaraddii Somaliland ee Itoobiya Waxay u Baahan Tahay Gurmad Deg deg ah Madaxweyne iyo Fashilka Shaqada Safaaradda ?Qaybtii labaad:
May 1, 2015 - Written by Editor:Mudane madaxweyne waxa marag madoon ah,sidii foosha xumayd ee safaaradda Somaliland ee itoobiya ugu fashilantay inay ka qayb qaadato hawlaha masuuliyiinta iyo muwaadiniinta reer Somaliland ee doonaya inay xuska 18 may-ga ee caalamka ka qayb qaataan,iyadoo ay xusid mudan tahay in tusaale ahaan sanadkii hore ee 2014-kii tiro badan oo masuuliyiin iyo muwaadintiin iskugu jira oo doonayey inay ka qayb qaataan xusaska waaweyn ee dalka dibadiisa ka dhacaya,iyadoo masuuliyiintaasi ay haba yaraatee ka waayeen masuuliyiinta safaaradda in ay wax u qabtaan,badan-kooduna waxay u baahnaayeen cid ka taageerta buux-buuxinta foomamka iyo adeegyada kale ee ay uga baahan yihiin inay helaan,balse nasiir daro mudane Madaxweyne wuxuu kaga mashquulay ninka lagu magacaabo Ayaanle in uu gaadiidkii safaaradda iyo kharashkii safaaradda ugu adeego dad gaara,waxaanu ilaabay masuuliyintii kale ee lahaa wasiirada,xildhibaanada,agaasimayaasha,maareeyayaasha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda Somaliland. Iyadoo ay xusid mudan tahay in mr Ayaanle shaqadisii kaga mashquulay soo dhaweynta labada nin ee ay ilmaadeerka yihiin ee lagu magacaabo SOORAAN IYO JAWAAN,waxa uu muujiyey masuuliyad daro weyn,iyadoo meeshu tahay dal shisheeye ayuu mr Ayaanle xilkii uu hayey garan waayey oo ay ula ekaatay nin Baakhaarkisii haysta oo sida uu doono ka yeeli kara,hadaba mudane madaxweyne ceebtaasi ayuu mr Ayaanle us oo jiiday xukuumadaadii,iyadoo weliba dad badan oo reer Somaliland ay yidhaahdaan wuxuu isku haleynayaa madaxweynaha iyo wasiirada awooda badan ee Duulista iyo madaxtooyada ayey isku beel yihiin oo waatii hore soomaalidu ugu maah maahday DAMEERI HOOYADEED ISKU HALEYNTA AYEY DABADA UGA NUUGTAA,hadaba madaxweyne umadda Somaliland waxay kaa sugaysaa in aad safiir gudan kara waajibaadka qaran ee balaanka ee safaaradda Somaliland ku leedahay itoobiya aad u soo magacawdo,taasi oo xitaa muhiimad weyn ugu fadhida doonista aqoonsida Somaliland ka doonayso beesha caalamka. Akhriste qodobada lataaban karo ee fashilka ku keenay habsami u socodka shaqada iyo waajibaadka safaaradda muhiimka ah ee Somaliland ku leedhaay itoobiyaha waxa ka mid ah. 1: xidhiidhkii wanaagsanaa iyo hadba is weydaaransida arimaha muhiimka ah ee ka dhaxeeya labada dale e saaxiibka ah,oo hoos u dhacay sabaabteedana ay leedahay safaaradii Somaliland ee itoobiya oo aan u shaqeyn sdii loogu tala-galay,iyadoo mudo laba sano ah ay tahay safaaradii bilaa safiir ah. 2: ninka hada masuulka ku meeg gaadhka ah oo shaqadii isaga laftigiisu kaga mashquulay arimo ganacsi iyo u shaqeyn dad gaar ah. 3: ninka hada jooga eek u meel gaadhka u jooga jagadii safiirnimada oo aan haba yaraatee wax khibrad ah u lahayn arimaha diblomaasiyadda. 4: waxay kale ee dadka ka ag dhaw, isla markaana la socda dhaqdhaqaada safaaradda ayaa waxay ku tilmaameen in meesha musuq-maasuqii ugu balaadhannaa ka jiro,oo meeshu ma laha wax xisaab celin ah,sidoo kale waxa jira dad badan oo masuuliyiin iskugu jira oo markay arkaan meesha dayaca ka muuqda waxay ku taageeraan lacago badan,tusaale ahaan maayirada golayaasha deegaanka ee dalka Somaliland oo sanadkii hore meesha soo maray ayaa arkay sida ay meeshu u liidato markaysay ugu deeqeen lacag dhan$10,000 lacagtaasi waxay gacanta ka saareen ninka lagu magacaabo Ayaanle Salaad Diiriye,balse nasiib daro lacagtaasi lama arag meel ay martay wax loogu qabtayna may jirin safaarada,oo weli hadii aad timaado safaaradda waxay ku shaqeysaa qalabkii dawladii Rayaale.
La soco taxana danbe ee qormadan——— By: C/raxmaan Xaaji Cumar Degree of Civil Engineer Email:Xaajic1@gmail.com Addis Ababa/Ethiopia
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|