|
|||||
WAJAALE NEWS
Sababaha Kalifay In Beesha Caalamku Sidan Ugu Soo Tafa-Xaydato Qabsoomida Doorashooyinka Somaliland:
May 3, 2015 - Written by Editor:Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyadoo mudo-xileedkiisii shanta sanadood ahaa ay haatan uga hadhsan yihiin 54 cisho oo kaliya ayaa waxa xukuumaddiiisa ka soo hadhay qaylo iyo gaaladan maxaa nalaga siiyaa ee ay mudo kordhin sanad kaliya ah noogu khasbayaan. Hadalka aan micnaha badan lahayd ee reer Kulmiye ha badnaadee laakiin waxaa xaqiiqo ah inuu jirro cadaadis aan baaxadiisa hore loo arag oo ay beesha caalamku gaar ahaan dawladihii danayn jiray geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland ay baryahanba ku hayeen xukuumadda Siilaanyo iyo golaha guurtidaba si aanay u dhicin mudo kodhin madaxwaynaha loo sameeyo oo dhaafsiisan halka sano ee ay Komishanka Doorashooyinku qabsadeen inay doorashooyinka ku qaban-doonaan. Somaliland waxay dhaqan u lahayd inay iyadu dhamaysato wixii khilaaf ah ee ka yimaada qaabka doorashada loo galayo iyo goorta la qabanayo-ba. Sidaasayna u dhaceen doorashooyinkii 2002, 2003 iyo 2005-tiiba. Hase yeeshee dib u dhicii dhawrka jeer ku yimid doorashadii ku beegnayd in la qabto dhamaadka mudo-xileedkii 1-aad (First Tern) ee Madaxwayne Rayaale darteed ayaa xisbiga Kulmiye intuu afka gacanta-galiyey qaylo-dhaan kula dhex-dhacay beesha caalamka, si ay geedi-socodkii doorashadda usoo faro-galiyaan oo loogu garqaado iyaga iyo xukuumadii Rayaale ee wakhtigaasi. Inastoo ay beesha caalamku gaar ahaan UK iyo Ethiopia oo ahaa labada dal ee ay Somaliland ugu saaxiibsan yihiin ay ku guulaysteen dhex-dhexaadintii ay ka galeen khilaafkii soo jiitamayey mudada dheer ee ku tacaluq-sanaa xiliga la qabanayo doorashadda, hadana waxa wakhtigan xaadirka ah ee aynu ku jirno la dareemi karaa in cadaadiska ay beesha caalamku ku hayso xukuumadda Siilaanyo si ay doorashadu ugu qabsoonto xiligii ay Komishanku cayimeen uu ka culays wayn yahay kana baaxad-wayn yahay kii ay saarri jireen xukuumaddii Rayaale ee waliba dhawrka jeer loo kordhiyey, halkay mudo kordhinta hadda la hadal-hayaa noqonayso tii ugu horaysay ee loo sameeyo xukuumadda Kulmiye. Hadaba in beesha caalamku ay doorkan sidii hore si ka wayn ugu tafa-xaydato arrimaha doorashadda Somaliland oo ay waliba xukuumadda Siilaanyo saarto culayskan ay sida fiinta uga qaylinayso maaha arrimo iska yimid uun ee wax kalifay baa jira, waxaana kaw ka ah xidhiidhkii u dhexeeyey xukuumadda iyo beesha caalamka oo intii madaxwayne Siilaanyo xilka hayeyba marba marka ka danbaysa sii xumaanayey ilaa uu gaadho heer la kala aamin-baxo. Isku dhaca labadda dhinac waxa judhiiba sabab u ahaa dagaalkii ay xukuumadda Siilaanyo markii ay xilka qabatayba ku bilawday saxaafadda madaxabanaan. Waxa jirtay in beesha caalamku ay in badan isku dayday inay xukuumadda kala hadasho sidii ay u joojin lahayd cabudhinta iyo xadhiga ay caadaysatay inay kula dhaqanto warbaahinta.
Hase yeeshee halkay xukuumadii Madaxwayne Rayaale marka arrintan oo kale lagala hadlo ay garawshiyo iyo jawaab celin ay wax ku xalilayso ka bixin jirtay ayaa xukuumadda Siilaanyo inay sii kordhiso tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda mooyaane aanay marna isku dayin inay dhinto. Xukuumadda Siilaanyo waxa kale oo ay la timid dhaqamo xun-xun oon dalka hore usoo marrin oo ay ka mid yihiin in albaabada loo laabo xaruumo warbaahineed oo gaar loo leeyahay. Wakiiladda beesha caalamku saddexdii sanadood ee maamulka Siilaanyo ugu horeeyey oo dhan kamay daali-jirin inay xukuumadda marwalba kala hadlaan arrimaha ka dhanka ah saxaafadda, iyagoo waliba marwalba xasuusinayey sumcad-xumadda iyo nus-qaan-darada uu habdhaqankaasi usoo jiidayo dalka Somaliland xaga caalamka, gaar ahaan arrinta aqoonsiga. Waxase diblomaasiyiinta shisheeye ee la kulmi jiray madaxwayne Siilaanyo iyo wasiiraddiisa layaab ku noqon-jiray sida aanay danba uga lahayn meeqaamka uu wadankooda ictiraaf-doonka ahi ka joogo caalamka. Cabudhinta iyo xad-gudubka joogtada ah ee ay ku hayso xoriyatul-qawlka gaar ahaan xoriyada saxaafadda ka sokow waxa kale oo dabayaaqadii 2013-kii soo shaac-baxday in xukuumadu ka war-wareegayso in doorashadii madaxtinimadda dalku qabsoonto xiligii loogu talo-galay oo ahayd sida qorshuhu ahaa 26-ka June ee sanadkan 2015-ka. Markay xaaladu halkaas marayso beesha caalamku waxay isku-qancisay in xukuumadda Siilaanyo ay khatar ku tahay geedi-socodkii dimuqraadiyada Somaliland idil ahaantiiba, waxaana galay shaki wayn inay jirraan ajandayaal ama waxyaabo kale oo xukuumaddan u qorshaysan oo aanay shacbiga Somaliland la ogayn. Quusta ay beesha caalamku ka gaadhay Mr Siilaanyo iyo xukuumadiisa ayaa waxay ku kaliftay inay qaadato mawqif ah in sida kaliya ee ay shacbiga reer Somaliland wax ugu tari karaan ay tahay inay kala shaqeeyaan sidii ay doorashadu sida ugu dib u dhaca yar ugu qabsoomi lahayd si ay dadku u helaan fursad ay ku doortaan xukuumad cusub oo tan xilka haysa u dhaanta. W/Q; Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) Hargeysa/Somaliland Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|