Saadaalo Muujinaya In Kulanka Maalinta Sabtida Ay Xisbiyada Mucaaridka Ee Wadani Iyo Ucid Aqbali Doonaan Mudo Kordhinta Golaha Guurtida . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saadaalo Muujinaya In Kulanka Maalinta Sabtida Ay Xisbiyada Mucaaridka Ee Wadani Iyo Ucid Aqbali Doonaan Mudo Kordhinta Golaha Guurtida .
May 20, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Iyadoo ay hore u Aqbaleen Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridku Gogoshii Wadatashiga Ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u fidisay wuxuu kulan kii ugu horeeyay oo hordhac ahi ka qabsoomay Huteel Anbasador iyadoo Hogaamiyayaasha xusbiyada mucaaridka Wadani iyo Ucid iyo Madaxwayne kuxigeenka,iyo Gudoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye shirk oo ahaa mid loogu gogol xaadhayay kulamada rasmiga ah ee maalinta sabtida oo ku beegan 23/05/2015  ay maanta soo gunaanadeen

madaxda wadani

Hadaba saadaalo badan ayaa muujinaya in kulanka maalinta Sabtida ah ay aqbali doonaan Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridku mudo kordhintii Golaha Guurtida sobobahan awgood

1; Gunaanadka kulankii maanta Gudoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka iyo Muxafidka ahi waxay hadalo kooban iyo weedho isku aragti tilmaamaya ka bixiyeen bulshadana ay u sheegeen iyadoo dhamaan hadalada Masuuliyiintu Mucaarid iyo Muxaafidba aanay waxba ku kala duwanayn

2; Dhamaan mudo kordhintii ay hore Golaha Guurtidu ugu soo sameeyeen Madaxwayneyaashii ka horeeyay Madaxwayne Siilaanyo sida taariikhda ku cad marnaba lagama noqon mudo kordhin ay sameeyeen golaha guurtidu waxna lagama badalin mudo ay qabteen hadaba saadaasha maantu waxay tilmaamaysaa in aanay ka leexan doonin jidkaa lagu yaqaanay

3;Sidoo kale XIsbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo lgu tilmaamo in uu yahay Xisbiga Mucaaridka ee ugu awooda badan wuxuu taageeroyaashiisa  hore ugu baaqay Mudaharaad Dalka oo dhan laga qabto oo  mudo kordhinta Golaha Guurtida lagaga soo horjeedo, balse taageerayaasha Xisbiga Wadani ayay intoodii badnayn ka gaabiyeen in ay Mudoharaad Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo lagu gilgilo ay abaabulaan,

4; Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo Mudanayaal badani ka tirsan yhiin Xisbiga Wadani waxaa hubaala in aanay kaalintoodii ka qaadan diiidmada mudo kordhinta Golaha Guurtida taasina waxay muujinaysaa in Xisbiga Wadani ku kala qaybsan yahay aragtida Siyaasadeed ee mudo kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumada Siilaanyo

Qodobadaasi kor ku xusan  markaan eegno waxay cadymo cad u noqon karaan saadaasha maankuna ku xaqiiqsan kartaa in ay  xusbiyada mucaaridku aqbali doonaan mudo kordhinta Golaha Guurtida balse bishuba horteena way iman doontaa hadii ALLE yidhaa maalinta Sabtida ee ku beegan 23/5/2015

HARGAYSA SOMALILAND

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS