Real Madrid Oo Dib Ugu Soo Laabaneysa Shaxda 4-3-3 Kadib Marki Ay Ku Guuldareysteen Shaxda 4-4-2 Kulanki Juventus | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Dib Ugu Soo Laabaneysa Shaxda 4-3-3 Kadib Marki Ay Ku Guuldareysteen Shaxda 4-4-2 Kulanki Juventus
May 7, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) Ciyaartooyda iyo shaqaalaha tababarka Real Madrid ayaa maanta dib ugu soo laabtay xarunta tababarka kooxda ee Valdebebas iyagoo rajeynaya iney meel iska dhigaan natiijadi ka soo gaartay kooxda Juventus marka ay sabtiga ka hor yimaadaan kooxda valencia

realmadrid

Real Madrid ayaa Valencia kusoo dhaweyneysaa Bernabéu iyagoo sii og oona qalbiga ku haya natiijada ay kooxda Barcelona kala kulanto kooxdi sanadkan bilowgiisa guuldarada dhabarka u soo saarisay Barcelona ee Real Sociedad kuwaasoo ay ku soo dhaweynayaan garoonka Camp Nou

As iyo La Marca ayaa maanta wada qoray kooxda Real Madrid iyo macalin Carlo Ancelotti iney qorsheynayaan ineysan dib ugu laaban shaxdi ay kooxda guuldarad kaga soo gaartay kooxda Juventus ee aheyd 4-4-2 taas badelkeedana ayaa ciyaarayaan shaxdi lugu yaqaanay ee 4-3-3 waxaana afka hore ku soo bilaabanaya Chicharito oo caawinaad ka helaya Bale iyo Cristiano

Sidoo kale Karim Benzema ayaa laga yaabaa in qeybaha danbe ee ciyaarta uu badal ku soo galo maadaama uu wali kasoo kabsanayo dhaawac kasoo gaaray jilibka waxaana sidoo kale dhaawac ku seegaya markale kulankaan Luka Modric halka Marcelo iyo Carvajal laga yaabo in la nasiyo si ay diyaar ugu noqdaan kulanka lugta labaad ee champions league oo ay Juventus kula ciyaarayaan Bernabéu

COMMENTS
LINKS