Ra’iisal Wasaaraha Israaiil oo la kulmay Askari Yuhuudda Ethoipian-ah kana Tirsan Ciidanka Israa,il oo si xun loo Garaacay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra’iisal Wasaaraha Israaiil oo la kulmay Askari Yuhuudda Ethoipian-ah kana Tirsan Ciidanka Israa,il oo si xun loo Garaacay.
May 4, 2015 - Written by Editor:

Ra’iisal wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay askari ka tirsan ciidanka Militariga Israail oo ay garaaceen askar ka tirsan ciidanka Police-ka dalkaasi.

muuqaal ay qabatay mid ka mid ah kameradaha darbiyada ku dhagan, ayaa muujiyay laba ka mid ahaa booliiska magaalada Telaviv oo garaacaya askarigaasi oo lagu magcaabo Damas Bekedeh, asalkiisuna kasoo jeedo Yuhuudda Ethoipian-ka ah.

YUHUUDI 1YUHUUDI 2

arrintaasi ayaa kicisay cadho dadwayne, waxaana banaanbaxyo baaxad leh isugu soo baxay magaalada Telaviv kumanaan Ethiopian Yuhuud ah, oo ka cadhaysan midab takoorka iyo axmaqnimada ay askar booliiska ka tirsani kula kaceen askariga kasoo jeeda qawmiyadda Ethiopian-ka Yuhuudda ah .

Raysal wasaare Netenyahu oo la sheekaystay Mr. Damas, oo ah askariga la garaacay ayaa yidhi:-

“ Waan ka naxay markii aan arkay muuqaalka arrintaasi, waxaa la ii sheegay in aad tahay nin shaqo badan oo ku fiican hogaaminta, booliiska ayaa arrintii dhacday gacanta ku haya, waxaan isku dayaynaa inaan xaaladdaasi wax ka badalno” ayaa uu Netanyahu ugu laab qaboojiyay, Askarigaasi ka tirsan Militariga Israaiil ee Booliisku Garaaceen.

Israaiil ayaa sanadihii lasoo dhaafay kumanaan Ethiopian ah kasoo daad guraysay wadankii ay ku noolaayeen ee Ethiopia, iyagoo ku doodaya in ay yihiin dad asal ahaan Yuhuud ah.

dadkaasi Ethiopian-ka ah, ayaa qaar ka mid ahi ku biireen ciidamada ammaanka ee Israaiil.

COMMENTS
LINKS