Qaramada Midoobay Oo ka Hadashay Go’aankii Somaliland ka Qaadatay Qaabilaadda Qaxoontiga Yemen Iyo Tallaabada Ay Kaga Jawaabayaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo ka Hadashay Go’aankii Somaliland ka Qaadatay Qaabilaadda Qaxoontiga Yemen Iyo Tallaabada Ay Kaga Jawaabayaan.
May 30, 2015 - Written by Editor:

New York, 30 May, 2015 (Wajaalenews)- Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ka-hortaga Argagxisada, Jean-Paul Laborde, ayaa shaaca ka qaaday inay UN-ku diyaar u tahay sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen dedaalada ay ugu jiraan ka hortagga Kooxaha Argagxisada, balse ay waajib tahay inay wax la qabtaan qaxoontiga soo gaadhaya dalkooda.

qaramada midoobay

Mr. Jean-Paul Laborde oo kulan ku qabsoomay xarunta Qaramadda Midoobay lagu weydiiyey sida layku waafajinayo kaalmaynta qaxootiga ka soo cararaya dagaalada Yemen iyo Cabsida laga qabo in Kooxo Argagixiso ah ku dhex-dhuuntaan, waxa uu sheegay in qaxootiga loo ogolaado inay ka qaxaan dagaalada Yemen, laakiin ay habboon tahay in lagu baadho dalalka ay magan-gelyada weydiistaan.

“Dadka waa in loo ogolaado inay ka qaxaan dagaalada Yemen, laakiin lagu hubiyo inaanay argagxiso ku dhexjirin oo lagu baadho dalalka ay tagaan,” sidaas ayuu yidhi Mr Laborde.

Wakaalada Inner Press City oo Madaxa la-dagaalanka Argagxisada ee Qaramadda Midoobay weydiisay siduu u arko cabashada Somaliland dhowaan ku sheegtay inaanay qaabili karin qaxoontiga ka soo cararaya dagaalada Yemen sababo la xidhiidha ammaan iyo dhaqaale, maadama Qaramadda Midoobay aanay Xukuumadda Somaliland wax kaalmo ah ku siinin, waxa uu Mr. Laborde ku jawaabay, “Waxaan isku deyeynaa inaan sida ugu wanaagsan wax uga qabano.”

Mr. Laborde ayaa hadalkiisa sii raaciyey, “Waddamada sida Somaliland, waa inay xaliyaan dhibaatada, ka hor intaanay helin taageerada.”

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa todobaadkii hore sheegay inaanay Xukuumaddu awood u lahayn qaabilaadda Qaxoontiga ka soo qaxaya qalalaasaha ka taagan dalka Yemen oo isugu jira Soomaaliya iyo Yemeniyiin, kaddib markii Qaramada Midoobay ka gaabsatay inay taageero ka geysato qaabilaadda dadka Qaxoontiga ah.

Hadalkan madaxa la-dagaalanka Argagxisada u qaabilsan hay’adda Qaramada Midoobay Mr. Laborde ee arrintan wax lagaga weydiiyey, ayaa ka dambeeyey warbixin ku saabsan mowqifkii xukuumadda Somaliland iska taagtay qaabilaadda qaxoontiga Soomaalida ee ka soo cararaya dagaalada Yemen oo hore Maxamuud Walaaleye ugu gudbiyey Wakaalada wararka ee Inner Press City.

 

COMMENTS
LINKS