|
|||||
WAJAALE NEWS
Nuxurka Warbixin Murugo Badan Oo Wargeyska The Telegraph Ka Qoray Saxariirka ay Maraan Tahriibayaasha Soomaalida ahi Ee Libya Sii Maraa
May 4, 2015 - Written by Editor:London:(Wajaalenews)-Wargeyska The Telegraph oo kasoo Baxa Magaalada London, ayaa u guurgalay xaaladda Tahriibayaasha Soomaalida ah ee Nolosha u doonta Qaaradda Yurub gaar ahaan kuwa si mara Dalka Libya, waxana uu ka diyaariyey warbixin jidhidhico badan oo xaaladda Dadkaas daaha ka fayday. Wargeysku waxa uu muujiyey in dadka Qaxootiga Soomaaliyeed ee Dalka Libya sii maraa la kulmaan Tacaddiyo iyo ciqaabo kaga yimaadda dadka ay gacantooda galaan, kuwaas oo uu ku sheegay qaar aan bani’aamadnimada tudhaale u haynin. Wargeysku waxa uu shegay in SoomaalidaQaxootiga ah lagu hayo shabaqyo ku dhex yaalla Xarun lagu hayn jirey Duur-joogta oo ku taalla dalka Libya. Maleeshiyo hubeysan ayaana halkaasi ku haya, ka hor intaysan dadkaasi sii raacin doonyaha inta badan ku dega Badda Dhexe (Mediterranean Sea). Madaxa Xafiiska Hay’adda Caalamiga ee La-dagaalanka Jirdilka (TheWorld Organisation Against Torture (OMCT)ee magaalladda Tripoli, Currun Sigh ayaa u sheegay Wargeyska The Telegraph inay Maleeshiyada Liibiyaanka ay rag, haween iyo carruur badan ka buuxiyaan Shabaqyadaasi iyo qolalka Iskuul xidhan oo ay ka dhigeen Xabsi. Warbixinta uu Mas’uulkaasi sheegay ayaa ah kuwo laga argagaxo, waxayna Maleeshiyadda kufsadaan haweenka oo badankooda uur qaada intaysan u tahriibin Xeebaha Talyaaniga. “Goobta Xayawaanaadka lagu xereeyo ee Tripoli Zoo waxaa haysta Maleeshiyo hubeysan, kuwaasi oo u adeegsada sidii hoy ay dadka ka tahriibiyaan” ayuu yiri Currun Sigh oo intaasi ku daray inay xaalladda aad u xun tahay. Waxa uu sheegay inay Tahriibayaasha xidhan helin daryeel caafimaad, waxayna badankooda la il-daran yihiin cuddurka Qaaxadda (TB). Currun Singh waxa uu tilmaamay inay Xabsiyadda yihiin kuwo aad loo buux dhaafiyey, iyadoo ay weliba cimilladda Libya tahay mid aad u kulul. Mas’uulkaasi, Currun Sigh oo muddo labo sanno xarun u ahayd magaalladda Tripoli ayaa waxa uu ku hawlanaa sidii uu Ururka Midowga Europe (EU) ugu diyaarin lahaa Warbixin la xidhiidha Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha ee ka dhaca dalkaasi. Warbixintiisan ayaa timid dhowr toddobaad kadib, markii ay in ka badan 800 oo Tahriibayaal u badan Somali ay ku hafteen Badda Dhexe (Mediterranean Sea), kadib, markii ay la degtay doonidii ay ka soo raaceen Xeebaha Libya. Dhinac kale, Hay’addaCaalamiga ee La-dagaalanka Jidh-dilka (The World Organisation Against Torture (OMCT)waxay kaloo diiwaan-gelisay dilal ka dhacay 17 Xarumo Shisheeyaha lagu hayo iyo in ka badan 20 Xabsiyo macmal ah oo ay Maleeshiyadda ku xidhaan dadka Tahriib-doonka ah. Hay’adda waxay la hadashay qaar ka mid ah La-haystayaasha oo sheegay in si xun loo ciqaabo, oo Koronto lagu qabto ama haashka sigaarka lagu damiyo. Hay’adda waxay kaloo sheegtay in dhamaan xarumaha dadka lagu hayo yihiin kuwo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Libya, balse ay maamulaan Maleeshiyooyin Hubeysan oo badankooda xidhiidh la leh Kooxaha ka ganacsada Tahriibka (Smugglers). Xigasho: The Telegraph COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|