Ninka Caaqilka ama Suldaanka ah ee Fikirkisii Lacag Siilaanyo iyo Saleebaal Gaal Kaga Iibsaday Kalsoonida Ha Lagala Noqdo: Baaqa Dhalinyarada Subeer Awal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ninka Caaqilka ama Suldaanka ah ee Fikirkisii Lacag Siilaanyo iyo Saleebaal Gaal Kaga Iibsaday Kalsoonida Ha Lagala Noqdo: Baaqa Dhalinyarada Subeer Awal.
May 2, 2015 - Written by Editor:

Shir ay maanta oo ay taariikhdu tahay 2/5/2015-ka ay iskugu yimaadeen aqoonyahanka iyo dhalinyarada Subeer Awal magaaladda Hargeysa,ayey ka soo saareen qodobadan Hoos ku qoran:

1: in dhamaan dhalinyarada beesha Subeer Awal ay si weyn u taageersan tahay mawqifkii Salaadiinta,Mujaahidiinta,Odayaasha iyo wax garadka kale ee Beesha Subeer Awal ka soo saareen mudo kordhinta xaraanta ah ee ay doonayaan Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal,inay kororsadaan laba sanno oo xaraan ah.

2: in dhalinyarada beesha Subeer Awal aysan Aqoonsan Doonin xukuumadda wixii ka danbeeya 26-june 2015-ka

3: in wax-garadka Somaliland iskugu yimaado shir lagaga tashanayo mustaqbalka dalka iyo waxa la yeelayo wixii ka danbeeya 26-june 2015-ka

4: in suldan kasta ama caaqil kasta oo damiirkiisa iyo aragtidiisa ku iibsada Siilaanyo iyo Saleebaan Gaal in shacabku uu magacooda ku hadlayo ee aan raalida ka ahayn waxa uu sheegayo inay kalsoonida kala noqdaan.

5: in la taageero go’aamada beesha caalamku ka soo saarayso qabashada doorashada iyo sida ay beesha caalamku uga soo horjeedo mudo kordhin xaaraan ah oo loo sameeyo xukuumada Fashilantay ee uu hogaamiyo odayga Cadka ah ee Siilaanyo,ee lagu dul maamulo.

6: waxa kale oo ay dhalinyarada beesha Subeer Awal soo jeedinayaan in qurba joogta beeshu shir iskugu yimaadaan isla markaana kaga soo horjeestaan mudo kordhinta xaaraanta ah ee ay doonayaan Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo.

7: ugu danbeytii waxay dhalinyarada Beesha Subeer Awal uga digayaan Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo inay ku kacaan wax khalkhal gelinaya nabad-galyada iyo xasiloonida dalka,isla markaana waa inay dhagaha u furan dhawaaqa shacabka iyo kan beesha caalamka,waa in aysan sameyn wax mudo kordhin ah,oo aan la isku waafaqsaneyn,waa in loo hogaansama talooyinka shacabka ,waa in aan hantida umadda loo adeegsan taageerada xaraanta ah ee xukuumadda Siilaanyo doonayso in loo sameeyo,iyadoo la og yahay todobaadkii ugu danbeeyey sida xoolaha umadda xukuumadda Siilaanyo ugu takri falaysay ee ay umadda ugu kala qaybinaysay taasina waa mid taariikhda u galaysa xukuumadda iyo dadka taladeeda haya,isla markaana wakhti ay ahaataba waa la idin xisaabini ama aduunka ama aakhiro.

Agaasimaha Guud ee Dhalinayarada Subeer Awal

Dr: Axmed Yaasiin Maxamed X.Cumar

Email:SubeerA@gmail.com

COMMENTS
LINKS