Muslinku Ma Iyaga Ayaa Maskaxdooda Ku Ciyaaraya, Mise Cid Ka Garasho Badan Baa Maskaxda Kaga Ciyaaraysa? Qalinka;Hawd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muslinku Ma Iyaga Ayaa Maskaxdooda Ku Ciyaaraya, Mise Cid Ka Garasho Badan Baa Maskaxda Kaga Ciyaaraysa? Qalinka;Hawd
May 5, 2015 - Written by Editor:

Buuggii Salmaan Rushdi miyay ahayd in uu muslinka kaga wada oohiyo? Buuggaa haddii aan dan la ga geli lahayn maxaa dhici lahaa? Warqadihii Quraanku ku qornaa ee la gubay ama musqusha la gu guray ma Quraanka qudhiisii bay ahaayeen? Warqadahaa haddii aan dan la ga geli lahayn maxaa dhici lahaa? Sawirgacmeedyo la lee yahay waa Nebi Maxamed bay dad sameeyeen, laakiin sawirgacmeedyadaasi ma sawirkii Nebi Maxamed bay ahaayeen? Haddii aan dan la ga geli lahayn maxaa dhici lahaa? Shalay laba wiil baa macno la’aan Maraykanka la gu dilay iyaga oo leh sawirkii Nebi Maxamed baa la soo bandhigay oo aannu ka dagaallamaynnaa. Xaggee baa sawirka Nebi Maxamed la gu arkay, yaa se haya?

 

Muslinku dhab ahaantii ma iyaga ayaa maskaxdooda ku ciyaaraya, mise cid ka garasho badan baa ku ciyaaraysa? Muslinku inta aanay cid kale xagxagan waxaa la gudboon in ay hoos isu gu noqdaan oo xaaladdooda fikir dib u qiimeeyaan.

COMMENTS
LINKS