MUJ;Cali Guray Oo si Adag uga hadlay Mudo kordhinta “Kuwii Ugu Dhawaa Ayuu Shalay Xidh Xidhay Saakana Wuxu Marayaa Ma Habar Yoonis Baa Hargeysa Ka Mudaaharaadi Kara.” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MUJ;Cali Guray Oo si Adag uga hadlay Mudo kordhinta “Kuwii Ugu Dhawaa Ayuu Shalay Xidh Xidhay Saakana Wuxu Marayaa Ma Habar Yoonis Baa Hargeysa Ka Mudaaharaadi Kara.”
May 11, 2015 - Written by Editor:

MUJ CALI GURAY ayaa si adag uga hadlay xaalada uu dalku marayo muo kordhintii guurtidu samaysay qoraal kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay barta facbookga ayuu arimahan kaga hadlay.

Way yidhaahdeen Laakiin waa been. Ninka xadhig iyo xabad ku xukumaya somalilandna marna taagtii marna tamartii. Somaliland way dhamaatay dimuqraadiyadii iyo Doorashooyinku xorta iyo xalaasha ahaa. Waxa la go’aamiyay ninkii rooni reerka ha u hadho. Ninkii dhiig sokeeye oo markan xaalkiisu yahay ” AWR AWR WADO IYO NIN NAAGI WADO MIDNA KAAMA BAYDHO” ayaa galka seefta ka saaray. Kuwii ugu dhawaa ayuu shalayba xidhay saakana wuxu marayaa ma Habar yoonis baa Hargeysa ka mudaaharaadi kara.

Beri wixii SNM ah ee mujaahidiintii dalka u soo halgantay inta aan weli la sadhayn een shaashoobin kulan wada tashi ah ayay u balansan yihiin waxana gudoominaya GUDOOMIYAHA RUUXIGA AH, Muj. Xasan Ciise Jaamac, Dhiig Skeeye ha soo xidhxidho hadii uu awood leeyahay. Beelaha Bari iyo Galbeed dib bay uga tashanayaa dulmiga iyo cadaalad darada waxa ay ugu yeedheen Beesha Dhexe, xaqna way u leeyihiin. Tan waxa ka soo socda nin rag ihi wuu garanayaa nacasna loo sheegi maayo. Xalku sanduuq iyo warqad maanta maaha doorashona ma jirto. In dib loo soo unko Guurti cusub oo xalaalayn karta dawlad ku meel gaadh ah oo loo wada dhan yahay oo dalka doorasho gaadhsiisa kama fursanayso.

Bulshada caalamka mawqif kooda waa kuwii hore u cadeeyay way joojiyeen dhamaan kaalmadii ay siin jireen Somaliland iyaga oo u diyaar garoobay sidii ay shaqaalahooda ajanebiga ah ugala bixi lahaayeen Somaliland. Beri hadii Alleh yidhaa wefti qaadhaan bixiyayaasha ah oo go’aanka bulshada caalamka soo gaadhsiinaya Siilanyo ayaa la filayaa. Sanduuqa la yidhaa SDF ayaa ka mida qaadhanka aanu dalban doono in laga joojiyo xukuumadda Silanyo waayo waa ka mid lacagaha ay u adeegsay burburinta dimuqraadiyada. RRU oo dawladda Ingiriisku caawiso ayaa noqday xoog loo adeegsado dagaalka ay xikuumadda Silanyo kula jirto dimuqraadiyada iyo xoriyada hadalka iyo warbaahinta madaxabanaan.

Ugu dambaystii cashuurta dadka laga qaado ayaa sidii la doono loogu Adeegsadaa xumo falka maamulka Silanyo. Dhaw boqol oo kun oo dollar oo laaluush ah ayay muddo kordhintan beenta ah laga siistay xaaraan quutayaasha guurtida lagu sheegayo. Lacag taasi waxay ka soo hoyataa Dekeda Berbera, Kastamka Kalabaydh, madaarka Hargeisa, Kastamka Saylac iyo meelo kale sida cashuurta berriga oo dhamaantood la isugu iman doono marka xaaladda ay gaadhsiiso xukumad ku sheegta Silanyo halka ay ku waddo.

COMMENTS
LINKS