Muddo-kordhintu In naguma Cusba Ee Waxa Innagu Cusub In Wax Laga Beddelo Muddo Loo Kordhiyey Madaxweyne. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muddo-kordhintu In naguma Cusba Ee Waxa Innagu Cusub In Wax Laga Beddelo Muddo Loo Kordhiyey Madaxweyne.
May 29, 2015 - Written by Editor:

Dalka Somaliland waxa uu maalmihii u dambeeyey ku jiray muran siyaasadeed oo ka dhashay muddo-kordhintii guurtidu u samaysay xukuumada iyo Golaha Wakiillada oo muddada xilkoodu ka dhammaanayso 28 July 2015, iyadoo muddo-kordhintu aanay ahayn wax ku cusub dalka iyo dadkaba, balse waa arrin daashatay dalka, caqabadna ku ah sumcada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

maadhiin

Haddaba, maadaama arrintan muddo-kordhintu caado u noqotay dalka, waxa aan kaga baxnaa isku tanaasul iyo in xeerka la isku lifaaqo, gudaheennana ku dhamaysano wixii khilaaf ah ee ka yimaad dib-u-dhaca doorashooyinka, waxase aan la yaabay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay inuu burburay shirkii lagu raadinayey sidii xal loogu heli lahaa khilaafka jiray, isla markaana uu ka dalbaday in caalamku soo dhexgalo Somaliland oo xal u keeno, arrintaasina waxay gef iyo meel-ka-dhac ku tahay taageerayaasha xisbiga WADDANI iyo dadweynaha reer Somaliland oo dhan.

Waxa kaloo ay gef ku tahay aqoonyahanka waddanka, culimada iyo waayo-aragnimada Somaliland u leedahay xallinta khilaafka dhexdooda yimaad, sida uu Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe u sheegay safiirka Ingiriiska ee dalka yimi maalintii Arbacada, iyadoo nasiib-wanaag khilaafkaasna lagu xalliyey sidii caadada u ahayd Somaliland oo saddexda xisbiba wada saxeexeen heshiis ay isku raacsan yihiin oo ah in doorashooyinku qabsoomaan bisha December 2016.

Sida aynu ognahay kuma cusba dalka Somaliland in muddo-kordhin la sameeyo, laakiin waxa inagu cusub in wax laga beddelo muddo-kordhin loo sameeyey madaxweyne oo weliba madaxweynuhuna ogolaado soo jeedinta xisbiyada qaranka, meeshana ka saaro muddadii guurtidu u kordhisay, iyadoo hore loo soo dhigay doorashooyinkii ay ahayd inay qabsoomaan bisha March 2017, laguna soo celiyey inay dhacaan bisha December ee 2016.

Arrintaasi waa mid aan hore uga dhicin dalka in madaxweynuhu dantiisa gaarka ah ka horaysiiyo ama ixtiraamo soo jeedinta axsaabta iyo soo afjarista khilaafkii ka dhashay dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo-kordhinta guurtida, iyadoo arrintaasina soo afjartay werwerkii dadweynuhu ka qabeen xaaladii jirtay maalmihii u dambeeyey.

Waxa kaloo xusid mudan waddaniyadda Eng. Faysal Cali-waraabe ugu tudhay dalka Somaliland, dulqaadka iyo hoggaaminta waayo-aragnimada ah ee uu sameeyey maalmihii lagu jiray wadahadalka, iyadoo sidoo kale madaxweyne-ku-xigeenka Md. Saylici iyo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi ay muujiyeen masuuliyad iyo odaytinimo ay ku wadeen shirka wadahadalka, arrintaasoo ahayd mid waddaniyad ah oo ay ka madhan tahay dano shaqsi iyo mid gaar ahba, waanan ku hambalyeynayaa.

Waxa aan u soo jeedinayaa Golaha Guurtida Somaliland inay taageeraan xalka laga gaadhay murankii ka taagnaa dalka, iyadoo la ogyahay inay innagu gedaaman yihiin arrimo badan oo cadawgeennu wado, una baahan in loo midoobo si looga hortago, la iskana dhaafo muranka dhexdeena yaal, loona guntado sidii loo difaaci lahaa qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tuyuub)

COMMENTS
LINKS