Magaalada Boorame Oo Siweyn Looga Xusay Munaasibada 18ka May iyo Madaxwaynekuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Gudoomiye Ciro oo kala qayngalay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Boorame Oo Siweyn Looga Xusay Munaasibada 18ka May iyo Madaxwaynekuxigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Gudoomiye Ciro oo kala qayngalay
May 18, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Magaalada Boorame ee Xarumta Gobolka Awdal ayaa, maanta lagu qabtey Munaasibad Balaadhan oo lagu xusayo Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May taas oo ay wadajir uga soo wada qeyb galeen Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici iyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan-Ciro oo labaduba la wadaageen Reer Boorame Xuskan, waxa kale oo Munaasibadan goob joog ka ahaa Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cumar Sheekh Muxumed Faarax,iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil.

boorama saylici 3 boorama saylici 2

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),oo khudabd gunaanad ah ka jeediyay munaasibadii Xuska Maalinta Qaranimada Somaliland, ee 18ka may ee lagu qabtey Magaalada Boorame ayaa dardaaran culus u jeediyay dadweynaha Reer Boorame isagoo guud ahaanba bulshada Reer Awdal ka dardaarey in aaney dib uga noqonin hurumarka iyo asaaska nabedgelyada ay seeska u dhigeen isagoo Tusaale ugu soo qaatey in Jaamacada Camuud-Universty ku muteysatey in ay noqoto Hurmuudkii Jaamacadaha Soomaaliyeed oo dhan.

 

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),islamrkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo isaguna Xuska Munaasibadan kala qeyb galay Shacbiga Reer Boorame ayaa,mar kaliya ka dhawaajiyay shacbiga Reer Boorame kadib markii uu xuruufal cile ku tilmaamay mudo kordhintii dhawaan loo sameeyay Xukuumada.

 

“Reer Booramow waxeynu ubaahneyn talo qaran iyo midnimo qaran laakiin mudo kordhin umaynaan baahneyn”Ayuu yidhi Gudioomiye taas oo mar kaliya ay isla oogsadeen dadweynihii usoo baxay Munaasibada Xuska Maalinta Qaranmada Somaliland ee 18ka May Magaalada Boorame isagoo dhinaca kalena xusey in uu Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax),in aanu ka hadlin arimaha xasaasiga ah iyo Wacyiga taagan.

Waxa kale oo isaguna halkaasi hadalo hanjabaad u badan ka jeediyay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cumar Sheekh Muxumed Faarax, oo ku ceceliyay in uu soo badheedho ninka doonaya in uu dagaalamo, laakiin aanu dhuumanin.

boorama saylici 1

 

Dhinaca kale jawiga Munaasibada xuska Maalinta Qaranimada Somaliland ee 18ka May oo maanta Magaalada Boorame dareen gaar ahi ka muuqdey iyadoo dhinaca amaanka siaad ah loo adkeeyay, islamarkaana, quluubta dadka laga dheehanayey in ay sanadkan aad uga duwan tahay tii kal hore maadaama nabedgelyo xumo kasoo korodhay jabhada Suldaan-Wabar waxa halkaasi hadalo tirtirsi galinaya jabhadaas iyo taageerayaashooda ka jeediyay Suldaanka Guud ee Beesha Reer Nuur Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, oo sheegay in aaney waxba sameyn karin Jabhada Wabar, kuna dardaarey beel kamid ah beelaha Boorame in ay iska celiyaan Jabhada Wabar oo ay dagaalamaan hadalkaa Suldaanka oo dareen weyn iyo fasiraado kala duwan shacnigu ka bixiyay islamarkaana, aad loo dareemayay, guuxa lagaga daba reemay.

 

Dhinaca kale Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa soo kormeeray Dhismayaal loogu talagaley dadka danyarta iyo barkacayaasha oo laga bineeyay Galbeedka Magaalada Boorame kuwaas oo dhismahoodu socdo islamarkaana, uu Maayarka Boorame warbixin ka siiyay,isagoo ku faanay in ay Waxqabadyada Golahooda kamid tahay.

Waftiga Madaxweyne Kuxigeenaka ayaa kormeerkaa kadib si kadis ah uga kolanyeystey Magaalada Boorame isagoo usii ambabaxey dhinaca Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

COMMENTS
LINKS