|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Saylici oo Asxaabta Qaranka Ugu Baaqay Shir Wadatashi.
May 13, 2015 - Written by Editor:Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Saylici oo Asxaabta Qaranka Ugu Baaqay Shir Wadatashi. HARGAYSA(Wajaalenews)Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo saaka shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay Xisbiyada qaranka u fidinayaan shir wadahadal oo lagaga arinsanaayo khilaafka siyaaseed ee ka taagan mudo kordhintii ay sameeyeen golaha guurtidu, waxaana uu xusay Madaxweyne ku xigeenku in 20-bishan laysugu iman doono shirkaasi wada tashi ka dib xuska maalinta qaranimada somalind ee 18-ka may , Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa hoosta ka xariiqay in umada Somaliland caan ku tahay wada tashiga islamarkaana ka xukuumad ahaan ugu baaqayaan asxaabta qaranka shirkaasi wada hadal. Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo saxaafadu su,aalo ka waydiisay waxa keenay dib u dhaca doorashada iyo sababta wakhtigan kaliftay iclaaminta shirkaasi ee hore laysugu iman waayey ayaa isagoo ka jawaabaya wuxuu sheegay, in dib udhaca doorashadu sababtay cilad farsamo islamarkaana ka dib soo jeedintii komishanka doorashooyinka ka dib la bilaabay wada hadalo iyo wada tashi balse uu ka baxay xisbiga wadani, Madaxweyne ku xigeenka sidoo kale wuxuu daboolka ka qaaday in golaha guurtidu dastuuriyan xaq u leeyihiin mudo kordhinta wallow aanay mudadii komishanka waxba dhaafin marka laga reebo 4-biloodh oo ay dhaafiyeen mudadaasi danta qarankuna ku jirto. Related posts:DAAWO; Wasiirka Warshadaha Jsl oo Dhagax Dhigay Warshad Dalka Nooceedu Ku Cusub Tahay Iyo Ganacs... Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargeysa Iyo Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland oo ka hadlay shirkado ... Ex: Wasiir Mustafe Faarax Abraar Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Gudoomiyah... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|