Madaxwaynaha Somaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Kismaayo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Somaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Magaalada Kismaayo.
May 7, 2015 - Written by Wariye:

Xasan-Sheekh-MaxamuudKismaayo(wajaalenews):-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaadhay  magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo ay kaga qeyb galayan xaflada caleema saarka Baarlamaanka Jubba oo dhowaan doortay Guddoomiye iyo labo kuxigeen.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka, waxaana loo gelibiyay Madaxtooyada Kismaayo.

Goor sii horeysay waxaa Kismaayo ka degay Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya, kuwaasoo iyana ka qeyb galaya xaflada caleema saarka Baarlamaanka Jubbaland.

Wararka laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in amniga magaalada si aad ah loo adkeeyay, isla markaana la xiray wadooyin badan.

Sidoo kale waxaa iyana la filayaa inay gaaraan Kismaayo wakiilo ka socda Beesha Caalamka, kuwaasoo iyana goob joog ka noqon doona caleema saarka Baarlamaanka Jubba.

Waxaa kaloo ku sugan Kismaayo Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin C/llaahi Camey, sidoo kale maamulka Koofur galbeed ayaa xubno ka socda ay ka qeyb geli doonaan caleema saarka Baarlamaanka Jubba.

Baarlamaanka KMG ah ee Jubba oo dhowaan la soo xulay ayaa ka kooban 75 xildhibaan, hase ahaatee waxaa jiray cabashooyin iyo dhaliilo loo jeedinayay habka lagu soo xulay.

Hargeysa Office
Wajaalenews.net
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

COMMENTS
LINKS