|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Hargeysa Oo Amray In La Dumiyo Guriga Xildhibaan Maxamed Cali (Obama) Ku Leeyahay Hargeysa
May 24, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Maayarka Dawladda Hoose ee Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa si adag uga dagaal galay Mooshinkii ay Xildhibaanada Golaha Wakiiladdu shalay diiden, waxaana ka mid ahaa talaabooyinka uu qaaday in uu kaga aargoostay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama) in uu dumiyo Guest House uu ku leeyahay Hargeysa, kaasoo habeen ka hor inta uu shaqaalaha Dawladda Hoose u diray ku qoray Dumis kaabadaha amaanka loogu talogalay kuwaas oo ay Dawladda Hoose ee Hargeysi hore ugu ogolaatay. Sida ay Hadhwanaagnews u sheegeen dad goob joog ahaa waxa ay shaqaalaha Dawladda Hoose ku Amreen xildhibaanka in uu dumiyo kaabadaha iyo qolka ay galaan ilaalada Guest houseka xildhibaanka oo ay galaan hay’addo Caalimiya, kuwaas oo ay Amaankooda masuul ka tahay Dawladda Dhexe iyo Dawladda hoose oo uu Maayarku masuul u yahay. Talaabadan oo uu Maayar Soltelco qaaday Habeenimadii Mooshinka aroornimadeeda la soo dhigayey ayaa u muuqda in uu qayb ka ahaa talaabooyin is xig xigay oo uu Maayarku kula dagaalamayey xildhibaanadii Mooshinka waday, kuwaas oo la sheegay inuu Maayarka iyo dad uu abaabulay oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano kala duwani guryahooda iyo goobaha laga helo ku doonteen isla markaana fursado dhaqaale iyo kuwo kale-ba u bandhigay si ay uga hadhaan meel marinta Mooshinkaasi.
Related posts:DAAWO;-Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley Oo Kormeeray Saldhigyada Wajaale, Geedbalaadh Iyo ... Dawlada Hoose Ee Gabiley Iyo Wasaaarada Hawlaha Guud Oo Kormeeray Wadooyinkii La Qorsheeyay Fariinta... Mudane Madaxweyne, Ummaddu Waxay Kaa Sugaysaa Inaad Adigu La Hadasho, Oo Aad Mawqifkaaga Caddayso! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|