|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayarka Caasimada Hargaysa Oo Sas ka Qaaday Xeerka G/D/No 23 oo Golaha Wakiiladu Wax ka Badal Ku Samaynaya Tirada Xildhibaanada Xilka Ka Qaadi Karta.
May 15, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) Maayarka Caasimada Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid ayaa maalintii shalay ahayd dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu safar ugu maqnaa dalka dibadiisa waxana dibada u soo baxay wararka sheegaya in Maayarka Caasimadu cabsi wayn ka qabo in Xeerka Golayaasha Deeganka Xeer No 23 ay Golaha Wakiilada S/land hoos u dhigaan tirada Xildhibaanada Maayarka xilka ka qaadi karta cabsida uu ka qabo arintaa ayaa la sheegayaa in ay sabobay in uu safarkiisii soo koobo Maayarka Caasimada oo hawlo shoqo ugu maqnaa Wadamada Yurub iyadoo Xildhibaanadii la socday aanay wali soo noqon, Wararka aanu ka helayno ilo ku dhow dhow Xafiiska Maayarka Caasimada ayaa noo xaqiijiyay in soo noqoshadiisa ay sobob u tahay cabsi xoogan oo u ka qabo in Kursiga laga tuuro hadii uu Golaha Wakiiladu xilka qaadiskta Maayarada ka dhigaan in xilka lagaga qadi karo haldheeri halka imika Sadex meelood marka loo qaybiyo Laba ka mid ahi xilka ka qaadi karaan Arinta waxka badal Xeer No 23 ayaan wax sas ah laga dareemin dhamaan Maayarada dalka oo iyagu xiligan ku hawlan sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen xuska 18may oo fooda inagu soo hayay Wararka kale waxay tibaaxeen in Maayar SOLTELKO ku muusonaabayo waxaa kursiga iga qaadaya Xildhibaanada kasoo jeeda Beelaha Arab iyo Habaryoonis , iyadoo Maayarku xiligan ololihiisa ugu wayni yahay sidii uu dhaliilihiisa uga dhigi lahaa in beelo kusoo duuleen islamarkaana lagu difaaco hab qabiil. Dhanka kale khilaafka dhulka Caasimada oo ah masuuliyadiisa ayaa sobobtay xalay in lagu dilo laba ka mid ah Ciidanka Booliska oo ilaalilanayay dhul murankiisu mudo soo socday kuna guul daraysteen in wax xal ah laga gaadho wararka aanu ka helayno ayaa tibaaxay in dawlada hoose mudooyinkii udanbeeyay ka jirtay habacsanaan maamul oo guud ahaan hadhaysay Maamulka Caasimada taasoo sabob u ah in uu cirka isku shareero khilaafka dhulku waxaana isa soo taraya faqa hoose ee Xildhibaanada Golaha Deegaanku ku gorfaynayaan Maamulkii cusbaa ee ay ku badali lahaayeen Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Caasimada balse waxaanu dhawri doonaa halka ay ku danbayn doonto.
HARGAYSA SOMALILAND WARIYE CABDIRAXMAAN CABDIQAADIR WAJAALENEWS DESK
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|