Maansadii Baga Baga Alaylehe W/C Abwaan Maxamed Yaasiin Maxamed Ilkacase | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maansadii Baga Baga Alaylehe W/C Abwaan Maxamed Yaasiin Maxamed Ilkacase
May 21, 2015 - Written by Wariye:

maansadan la baxday baga baga alay lehe;waxay jawaab iyo baanis u ahayd maansadaydii hore ee burco

maansadii baga baga alaylehe
maansadan la baxday baga baga alay lehe;waxay jawaab iyo baanis u ahayd maansadaydii
hore ee burco,maansadan waxaan curiyey wax yar kadib dagalkii burco ee dhacay sanadki
27.5.1988kii xiligaas oo aan ku sugna magaalada hargaysa gaar ahaan dugsigii tababarka
macalimiinta ee 1da jully loo yaqaanay waxaanay ahayd qiyaastii 29.5.88ki waxaanay ka mid
tahay maansooyinka tirada yar ee aan iga lumin inkasto in badan oo ka mid ah hal abuurkaygii ay
noqdeen qaar aan kaga qaxay dhibaatooyinki faraha badnaa, aad ayaan u wada salamayaa akhristayaasha qaliga ah

Hadaan tumo balooleey
Weliba batar iyo ciyaar
Amaann jaan dheer u baxo

sans-serif”>Dhaantiyo goob ay barbaar
Ciyaar ku balaysimeen
Oo ay tahay baahiday
Miyay baxar i tahoo
Bulshoy layla yaabayaa?
Anoo shalay boqor ahaa
Gumaysi shinkaan  ka baxay
Inaan baalashlaha hantiyo
Miyaan baaqigeed hantaa
Shansoomaaloo bulsho ah
Middoo leh bandiirad qudha
Inaan keli baafiyoo
Weliba laay boqonjaa
Ma ii baaqiyo ganbaa?
Baysteen taaniyo kumaa?
Hadaanse baraarugee
Allaylehe baga cabdow
Wixii loo baratamiyo
Hadii bogcadii la yimi
Boodaaanta la tumay gadiid
Barqaana dirir laysku helay
Hadii cishe lagu bar tiray
Weliba baga baga hadii
Badheedh laysugu hinqaday
Dagaal laysugu birmaday
Muday kala baaqatoo
Dariiq kala beegsatee
Bagaa laysugu birjabay
Bagaa laysugu holaday
Bagaana tab xeel dagaal
Dib laysugu soo baxoo
Baga laysugu birmadaay
Allaylehe baga hadii
Bilaawuhu maray cadceed
Hadii wiilashii ba’naa
Baqaha orod beegsadeen
Faalsana uu burciida yaal
Allaylehe baga weliba
Barwaaqo dhankii ku qabay
Horuu daalacaw bidhee
Haduu geerida badsaday,,,,,,,,,,,,,,,

Baga baga alaylehe
Baga waxa hubkays wada
Manta lola soo baxay
Baga baga alaylehe
Inta uu madfacu bidhay
Shilkuhuna ku beeraqay
Suugu uu ka dhigay budul
Baga baga intuu helay
Bii’emka iyo lowgiyo
Hoobiyaha bulxamayaa
Baga baga alaylehe
Sida uu baroonkiyo
Kaaruhu u baydaday
Biitaynku u sanqadhay
Siikaawaha burqanayaa
Inta uu u kala baxay
Hadba uu bishilay koox
Way barwaaqo dheregtoo
Baantay ku naaxdoo
Booliday ku dheregtee
Baga baga allaylehe
Sida loogu babacdhigay
Bahalkiyo dhurwaagi
Baruurtay ku kobocdee
Baguu jiibku u onkoday
Badh daloolku u hinqaday
Boobuhu u hagar baxay
Miinadu u bow tidhi
Bunbaduna itaalkeed
Bagay hurisay maajeen
Baga baga hadraawow
Baqaan keli tirsanayoo
Berkaan u jiifee
Mar hadii rag kala baxay
Badhax iyo la kala tegay
Gadhoodh iyo bur iyo biyo
Allaylehe bagan idhi
Kol hadii la beegsaday
Boholaha colaadiyo
Beertay taalo geeridu
Banfasow la siman yahay
Waa ino bushaaree
Idinkuna bilkhayr dhaha
Ninkii baaxad keligii
Sheegan jiray bartaan dhigay
Anow bu’aya maantee
Gaariyow bartaan dhigay?
Ma burbaa ma bulaybaa?
Ma bartuu jeclaaa iyo
Binaduu lahaa baa
Mise waa ma baaqdow
Bookhiyo tubtaydii
Maantaa la kala baran
Dhinacay u badatee
Kaysow burdaha qabo
Kaydow bogsiiyaha
Dhaaxaan baryaayee
Baxnaanadii la nacay shalay
Hada beegsan maayee
Ninka doona beladow
Barwaaqada ka diidow
Bixisada u yeedhyeedh
Bal ciday u daran tahay
Anigaa barkanayee
Baaruuda soo godol
Baayo kiimikada culus
Reer bingaasi golokeen
Baajuunta laga naxo
Goobtu wa bardaankii
Miisaanka badisoo
Baalaxooftadaadiyo
Hirdankaad bakhayshee
Ha hilmaamin baxeer
Burco meeshu inay tahay
Biriijkiyo togdheer iyo
Bangiga iyo daliyo
Bogcadii inay tahay
Dhaaxaad budhbudisee
Baaxadsorahana arag

waa fikradii maxamed yasiin maxamed
0032499816053

COMMENTS
LINKS