Maamulka Dawlada Hoose Caasimada Ayaa Tahli Waayay Bixinta Mushaharka Shaqaalaha Iyo Safar kooxda Xidigaha Oo Ay Ku Bixiyeen Hanti Xad Dhaafa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Dawlada Hoose Caasimada Ayaa Tahli Waayay Bixinta Mushaharka Shaqaalaha Iyo Safar kooxda Xidigaha Oo Ay Ku Bixiyeen Hanti Xad Dhaafa.
May 13, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews) maamulka dawlada hoose ee caasimada hargaysa ayaa mudooyinkii udanbeeyay ayay soo food saartay maamul xumo musuqmaasuq, baahsani

Xogaha aanu ka helayno ilo xogogaala oo ku dhaw maamulka dawlada hoose ayaa tibaaxay in aan wali mushaharadkii lasiin shaqalaha Dawlada hoose  iyadoo masuuliyiinta dawlada hoose ay kharashaad xad dhaafa ku bixiyeen  anbabixinta kooxda fanaaniinta ee  xidigaha geeska oo safar ugu baxay dalka dibadiisa wararka ayaa tibaaxay in masuuliyiinta ugu saraysa caasimada ay ugu deeqeen

lacagahan xad dhaafka oo dabooli lahayd  baahida shaqaalaha iyo hawlsocodsiinta  shaqada caasimada

sidoo kale maayirkuxigeenka ahna kusimaha  maayirka caasimada ayaa  daboolka ka qaday in dawlada hoose ee hargaysa ay daashatay musuqmaasuq baahsan kaasi oo maayirka cabdiraxmaan maxamuud caydiid soltelco iyo kuxigeenkiisu wadaagaan,  habacsananta maamul ee ka jirta dawlada hoose ee hargaysa.

waxa kale oo ay ku tagrifalaan awooda maamul iyagoo sameya shaqaale aan ka hawlgalin dawlada hoose in ay mushahar ka qaataan dawlada hoose shaqalahasi ayaa la sheegay in ay ka shaqeeyaan guryahooga  iyagoo ku keena hab qabiilaysan kana baxsan sharciga shaqaalaha dawlada

Sidoo kale wararka aanu ka helayno ilo ku dhowdhow ayaa daaha kafayday in ay si isku mida ugu tagrifalaan dhula danta guud waa maayirka iyo kuxigeensa e

dhulka danta guud ayaa la sheegay in ay sigaara u siiyaan shaqsiyaad gaara dhul badana ay iibiyaan kharshuna jeebkooda ku dhaco halka gudida dhulkuna aanay awoodi in ay si toosa u maamulaan shaqdooda

Sikastaba ha ahaateen masuuliyiinta dawlada hoose ee caasimada hargaysa ayaan wax u diyaar garoowa ka muujin caasimada xuska 18may oo guud ahaan dalka looga diyaar garoobayo iyadoo goobkasta ay buux dhaafiyeen qashin, robabkii guga oo wada xidhay dhamaan laagaha yaryar ee magaalada dhexdooda.

CABDIQADIR CABDIRAXMAAN

HARGAYSA SOMALILAND

 

 

 

COMMENTS
LINKS