“Maalintii Qaran Iyo Qardoofooyinka TVga Qaran” – Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Yaabay Ficil Lagula Dhaqmay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Maalintii Qaran Iyo Qardoofooyinka TVga Qaran” – Jamaal Cali Xuseen Oo Ka Yaabay Ficil Lagula Dhaqmay
May 19, 2015 - Written by Editor:

London -UK (W,N) Musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID oo bulshada Somaliland ee UK kala qaybgalay xafladii 18 May ee London ayaa ka ama kaagay ficil lagula kacay maalintii farxadeed ee 18 May ka dib mnarkii uu khubada ka jeedinayey xafladii London oo TV Qaranka Somaliland si toos ah u siidaynayey laga jaray in la baahiyo khudbadiisii. Sida Hadhwanaagnews loo sheegay waxa khudbadiisii ka jaray in si toos ah loo baahiyo Agaasime-Waaxeedka Yurub, C/raxman Maxamed Adan -Quful oo amray farsame yaqaanadii TV Qaranka in ay ka jaraan. Waxaanu u sheegay in aanay duubin khubada Jamaal Cali Xuseen.

aqoonyahan jamaal cali xuseen

Talaabadan ayuu musharaxa Jamaal Cali Xuseen ku sheegay mid dhanka xukumada laga soo amray. Waxaanu bogga uu ku lee yahay Facebook oo uu qoraal soo dhigay ku sheegay sidan:

“Waxaa aad iiga yaabiyey in maalintii Qaranimadda Somaliland in TVga Qaranka laga jaray markii qudbadayddu soo gashay ee si toos ah ama LIVE looga daawan lahaa. Goobtu waxay ahayd London runtiina habeen farxad leh bay ahayd, masuulka qaran Ee ugu sareeyana waan ahaa oo weliba afka madaxda dalka ku hadlaayey, dadka hanbalyo iyo taariikhda Somaliland uun baan la wadaagayey. Laakiin halka ay ka gaadhay Ninka TVga Qaranka Ugu sareeya London Wuxuu si badheedh ah u fuliyey amarka xukuumaddiisa ee ahaa in sidaasi ay sameeyaan. Runtii waa nasiib daro in masuuliyiintii Kulmiye ay halkaasi la marayso in TVgii qaranka Ee la wada lahaa in si gaar ah loo isticmaallo oo madaxdii xisbiyadda Qaran maalintii Ugu mudneyd Ee 18th May sidan oo kale laga yeello. Sidoo kale Masuuliyiinta xisbigga UCID ee Gobolka Saaxil ayaan maqlaayey in xuskii 18th May loo diiday in Xisbi qaran ahaan loo diiday in ay shacabkii Somaliland hanbalyeeyaan, laakiin xuska 18th May darteed ayaanu ku dhaafnay oo dib baynu iskaga Iman doonaa arrimahaasi inshallah”

 

 

COMMENTS
LINKS