Ma Dhabaa in Qaar kamid ah Maamulka Gobolka Awdal Abaabulayaan Rabshado dhaca 18 May iyo Soo dhawaynta Saylici ee la Filaayo? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Dhabaa in Qaar kamid ah Maamulka Gobolka Awdal Abaabulayaan Rabshado dhaca 18 May iyo Soo dhawaynta Saylici ee la Filaayo?
May 15, 2015 - Written by Editor:

Qaar kamid ah Maamulka Gobolka Awdal  iyo Shaqsiyaad ka ag dhaw dhaw Madaxwayne ku xigeenka somaliland oo haatan ku sugan Gobolka Awdal ayaa ku Foogan abaabulka iyo isku dubaridka arimo xaas saasiya oo amaanka gobolka iyo kani degmada wax u dhiamaaya.Ujeedada ay ka leeyihiin in rabshado ka dhacaan Gobolka Awdal ayaa lagu sheegay  in lagu xag  xagto  , Gudoomiyaha Gobolka iyo kani degmada Borama , lana rabo in khal khal la galiyo hanaan u socodka arimaha May isla markaana ay  kalsooni siinayso  cid gaar ah.

Wararka hoose ee  aan ka helayno ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa farta ku fiiqay , xog hayaha Gobolka Awdal in uu hormuud ka yahay shasiyaadka loo egmaday in ay iyagu khal khal galiyaan  hanaan u socodka iyo wadjirka dadka degmada ku dhaqan. wararka ayaa intaasi ku daray  xog hayaha Gobolka oo kaashanaaya gacanyar yaasha M/kuxigeenka Somaliland  iyo shaqsiyaad si aad ah looga soo dhaweeyo guriga madaxayne ku xigeenka  Somaliland, Mudane Saylici  in ay ku fooganyihiin Abaabulka Mudaharaad  been been ah oo lagaga soo horjeedo Mudane Saylici si dad gaar ah loogu shaabadeeyo , shaqsiyaad loo danleeyahayn gacanta lagu dhigo, arintan oo looga gol leeyahay iska horkeenka dadka kuwada dhaqan gobolka iyo hoos u dhigida tayada maamulka Gobolka iyo kani degmada.

Gudoomiyaha Gobolka Awdal Mr Ramaax ayaa isagu la kowsaday is qab qabsi iyo hufnaantii shaqo ee Gobolka oo meesha ka baxday taasi oo sobobtay in u booskiisi waayo gudoomiye ku xigeenki Gobolka Mr Sugaal.halka Xoghaya Gobolka ay ku gadaamanyihiin Shaqsiyaad maqaam sare ku leh maamulka somaliland iyo salaadiin ugu magaca roon Gobolada Galbeedka Somaliland.

shaqsiyaadka ka ag dhaw xafiiska Xoghaya Gobolka Awdal ayaa sheegay in uu ku hawlanaan kuna hawlanyahay  sidii u isaga dhicin lahaa Gudoomiyaha Gobolka Mr Ramaax  iyo sidii u carqaladaynlahaa talaab kasta oo wax ku ool ah oo loo qaado xag wanaagsan.

Shaqsiyaad iyagu ka socoda guriga madaxwayne ku xigeenka oo ku sugan gobolka ayaa u jeedadoodu tahay  in ay soo celiyaan taageeradii M/ku xigeenka Somaliland Mudane Saylici u ku lahaa bulshada dhexdeeda(Awdal, Salal) , taageerada Mudane saylici ayaa dhaawac wayni soo gaadhay mudooyinka dambe kadib khilaafyo dhawr ah oo hadheeyey Goboka Awada oo u qayb ka ahaa, si hadab ay u soo celiyaan taageeradaasi  beeshiisa iyo guud ahaan beelaha Maxamed Case  waxay ku foogan yihiin abaabulka mudaharaad mac mal ah oo lagaga soo horjeedo saylici, si beelaha maxamed case hawshaasi uga dagaalamaan oo  ay u arkaan in wiilkoodi iyo maqaamkiisii dawladanimoba beelo kale iyo shaqsiyaad Ku  soo duuleen taasina ay dhaliso in beelaha walaalaha ee Gobolka Wada degaa u kala irdhoobaan saylicina sidaasi ku soo ceshado taageerada beesha maxamed Case .

Taageerayaasha Gobolka ee Mudane Saylici ayaa wararku sheegayaan in  qalabka ay u adeegsanayaan mudaharaadkaasi ay suuqyada ka baayacayeen , kooxo dhalinyaro  ah oo aad ugu faro dhuudhuuban abaabulka rabshadaha ayaa sheegay in kharashaad ay ka sugayaan shaqsiyaadkaasi , warar aan ka helanay meelaha banjarlayaasha ayaa sheegaya in kala iibisiga taayirada duuga ee lagu gubo jidadk u sixir sareeya  lagu kala gadanaayo gaadhay.

Dhalinyaro iyagu kharashkooda ka soo qaatay gudiga qaban qaabada mudaharadka Saylici ee macmalka aha ayaa sheegay in Calamaan Badan oo kuwada Awdal State ah loo soo talay  guryo gaar ahna loo kireeyey.

Isku soo wada duuboo  is xag xagashada maamulka gobolka Awdal iyo  gacmaha dhaadheer ee Mudane saylici waxay luminaysaa  oo ay  meesha ka saaraysaa  dhamaan wad jirka, isku duubnida  iyo horumarka Gobolka Awdal.

Qoraaga Maqaalka:Cabdi Raxmaan  Cali Buux.

ahawsh@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
LINKS