Khudbaddii Madaxweynuhu Maxay Xambaarsanayd? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khudbaddii Madaxweynuhu Maxay Xambaarsanayd?
May 22, 2015 - Written by Wariye:

Marka doc kasta laga eego khudbaddii madaxweyne Md. Axmed Maxamed Maxamuud  jeediyey dabaaldeggii sannad guurada afar iyo labaataaanada ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii qarannimaadii iyo madaxbannaaninidii majar habowday 1960, waxay ka madhnayd gebi ahaanba wax ummadda yididiilo geliya oo ta ugu muhiimsani ahayd ka midho dhalintay qadiyadda aqoonsiga oo xaqa sharciyaddiisa beesha caalamka iyo Ururka Midowga Afrika labaduba ka marag kaceen. Marnaba madaxweynuhu khudbaddiisii kumuu soo hadal qaadin halka looga gudbayo wadahadaladii Somaliland iyo Somalia ee fashilmay?

Waa arrinta labaade sawirka guud ee madaxweynaha iyo qaabka u qoraalka wax u akhiriyey iyo xagga Botokoolka iyo dibloomaasiyaddaba ka tarjumaya tilmaan liidatay.

Waxa la maqlayey markuu madaxweynuhu isasoo taagay minbarka Saleebaal Gaal oo wasiir Cukuse iyo xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha ku leh isbarbar taaga!! Madaxweynuhu wuxu huwanyahay astaantii qaran waxanu mudanyahay ixtraam, qaderin, iyo sharaf- Ma aha neef xoolo ah oo waadaal ah oo la weetaynayo. Muuqaalkaasi waa mid qaranka ku laf jab e’ kooxdan madaxweynaha xuurtada siyaasadeed ku haysaa ha ka digtoonaadaan foolxumooyinka ay dalka u horseedayaan!!

Waa ta sedexaade madaxweynuhu wuxu hoosta ka xariiqay in arrinta mudo kordhinta Guurtidu tahay Distoori, loona hoggaansamo! Waxa iswediin mudan: Shalay markuu Kulmiye mucaaridka ahaa mudo kordhintu distoori may ahayn! Maxa isbedeley? Dalka aafaad dabiici ihi sida: DHULGARIIR, ABAARO DABA DHEERAADA, CUDURO FAAFA, DAGAALO saameeya NABAD GELYADA IYO XASILOONIDA kama aloosan. Sowtii shalay lagu addimayey beesha caalamku ha noo soo gurmato; maxay hadda xukuumaddu u dhibsanaysaa talada beesha caalamka.

Marka arrintu sidaas tahay, waxa cad in Gola Guurtidu ku xadgudbay Distoorkii Qaranka, dhegahana ka furaystay soojeedintii Gudida Doorashooyinka Qaranka ee farsamo ahaan awgeed ku taliyey in doorashada madaxwtooyada iyo Golaha Wakiiladu qabsoonto bisha June 1, 2016, axsaabta qarankuna sidaas ku heshiisey. Sheeko baraleydana hadba xukuumaddu dhinaca u wadaa mida axsaabta mucaaridku aqbalayso ma aha e wixii aan laga fursanayn hore ha laga yeelo oo yaan wakhti dambe lagu lumin marmarsiiyo.

Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
May 20, 2015.

COMMENTS
LINKS