Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q-3aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafyada Dhinaca Biyaha Ee Ka Jira Bariga Dhexe. Q-3aad. W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali.
May 9, 2015 - Written by Editor:

Arrimahaas oo is biirsaday ayaa waxay keneen tartan iyo khilaafyo inay ka dhex qarxaan dalalka ku yaala mandaqadda Bariga Dhexe

Bariga dhexe, biyuhu wakhtiyadan dambe waxay noqdeen kuwo ka muhiimsan saliida iyo khayrkaadka kale ee dabiiciga ah, marka laga hadlaayo dhinaca dhaqalaha laga helo goobahaas. Waxa la ogaaday in goobaha muhiimka ah ee biyaha sida wabiyada, harrooyinka iyo meelaha kale ee lamidka ah ee khayrkadka biyaha laga helo, ay wax wayn ugu fadhiyaan dhaqaalaha iyo hor- umarka waddamada ku yaala Bariga dhexe.

Waxa dhinaca kale la saadaaliyay, in biyaha mara mandaqaas ay hoos u dhac ku imaayaan, lagana cabsi qabo in biyo la’aani ay soo food saarto guud ahaan mandaqadda Bariga dhexe.

Arrimahaas oo is biirsaday ayaa waxay keneen tartan iyo khilaafyo inay ka dhex qarxaan dalalka ku yaala mandaqadda Bariga Dhexe, iyadoo la isku maandhaafay sidii si isku mid ah looga wada faa’idaysan lahaa. Khilaafyada biyaha ee jiraa, maaha kuwo aan heshiisyo laga gaadhin. Waxa hore u jiray heshiisyo ay wadda gadheen dalalka ka wada fa’idaysta goobaha biyaha. Balse arrinta dhibaadatada ku ah in ay heshiisyadii hore loo gaadhay ay noqdaan kuwo sidoodii loo fuliyo , sidoo kalana raga waxay tahay:

heshiis wal oo ay gadhaan dalalka dhaca mandaqadda Bariga dhexe, waxa buriya hadba mashaariicda cusub ee uu dal kamida ah dalalkaasi, ay ka fuliyaan goobaha biyaha, kaso aan markii hore ku jirin heshiisyada la gaadhay, arrintaas oo marka damabana sababta inay ay dib usoo laba kacleyaan xirguftii iyo khilaadfyadii hore lo o damiyay.

Bal aynu eegno, khilaafyad kale ee ka jira goobaha biyaha, kana dhaxeeya dalalka ku yaal Mandaqadda Bariga dhexe.

Khilaafka Ka Taagan Labada Wabi Ee Euphrates Iyo Tigris.

Labadan wabi ( sidoo kalana afka Carabig loo yaqaan Al-furaat iyo Dijla ) waxa ay ka mid yihiin saddexda wabi ee ugu dheer, uguna caansan wabiyada mara bariga dhexe. Dhulkii labadan wabi ay caanka ku ahayeen waxa la oran jiray Mesopotamia ( Dalka hadda la yidhaa Ciraaq ) dhulkaas oo ay jireen xaddaradihii ugu horeeyay dunida.

 

Labadan wabi, waxa ay labaduba kaso bilaabman koonfur bari dalka Turkiga. Wabiga Euphrates ( Al-furaat ) waxa uu kaso bilaabmaa dalka Tukiga, waxanu u uga gudba oo uu gala dalka Suuriya, isagoo ugu dambanyna ku ku dhammaada dalka Ciraaq. Wabiga Tigris isna waxa uu sido kale uu kaso bilaabma dalka Turkiga waxanu uga gudbaa oo u gala dalka Suuriya isago ka mara aagga xuduudda labada dal ee Turkiga iyo Suuriya, ugu dambayn labada wabi waxa ay ku kulmaan gudaha dalka Ciraaq, halkaas oo ay sameyaan Shat AL-Arab.

Haddaba, labadan wabi oo ah kuwo ku yaala goobo muhiim u ah dunida, sido kalana sahlaya in laga helo dhaqaalo badan, ayaa waxa ay collaad iyo xurguf ay dhex dhigeen dalalka Turkiga, Suuriya iyo Ciraaq. Dalka Turkiga, ayaa iyagu raba inay noqdaan kuwa ugu badan ee ka faa’idasyta. Waxa ay damceen oo ay qorsheyeen, inay ka fuliyaan mashaariic fara badan sida inay ka sameyaan dhaammam, inay ka dhaliyaan koronto iyo sidoo kale inay uga faa’idastaan dhinaca waxso saarka beeraha, kuwaas oo qiimo wayn ugu fadhiya dhinaca hor-umarka dalkooda, una suurto galinaya inay ka soo xareeyaan dhaqaale aad u badan, mashariicdaas oo qaar badan ka mid ah ay hore u hirgaliyeen, kana fuliyeen labadaas wabi.

Geesta kale, dalalka Suuriya iyo Ciraaq ayaa iyaguna wada qorshe kaas lamida ah oo ay kaga faa’idaysanayaan labadaas wabi. Khilaafyadan oo ah kuwo ay adag tahay in si fudud lo damiya, maddama oo dhawr jeer la jabiyay heshiyadii hore loo gaadhay. Tar-tankan ka dhashay labada wabi, ayaa waxa ay dhibaato wayn ku noqdeen oo ay dhawaceen xidhiidhkii siyaasaddeed iyo ganacsi ee ay lahayeen waddamadaas ay maraan labada wabi. Waxana laga cabsi qabaa in hadii khilaafyadani ay sii xogaystaan, siina socdaan, sidoo kalana aan xal kama dambays ah laga gaadhinay, inay sababi karaan natiijo aan u wanaag-sanayn dalalka ay maraan labada wabi iyo sidoo kale guud ahaan mandaqadda bariga- dhexe.…….

 

La soco qaybaha dambe in sha ALLAH.

 

WABILLAHI TAWFIIQ.

W/Q. Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Senior student at New Generation University College

Tixraac.

Water: Causes for conflict or co-operation   – (Irna Vander Molen and Antoinette H.)

Middle east water conflicts and directions for conflict resolution   ( Aaron T. Wolf )

  1. Conflicts in the Middle East between the present and future. ( DR . Ghassan Abu Ju’ub _

Email: Xaajifaarax12@hotmail.com

Addis Ababa, Ethiopia.

 

COMMENTS
LINKS