Khilaafka xukuumadda Siilaanyo iyo mucaaradku waa maxay ? waa sharci darro iyo waa sharci . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khilaafka xukuumadda Siilaanyo iyo mucaaradku waa maxay ? waa sharci darro iyo waa sharci .
May 21, 2015 - Written by Wariye:

Khilaafkan sida aynu wada ogsoonahay waxa keenay golaha guurtida oo muddadii uu sheegay komishanka dorashooyinka bedelay oo muddo 10 bilood ah ku daray .

Somaliland intii ay  jirtay waxa dib u dhigay khilaafaad siyaasadeed oo dad gaar ahi dano gaar ah ka leeyihiin , waxa maanta ay xukuumadda Axmed Siilaanyo ku talaabsanaysaana waa sharci darro baal marsan distuurka dalka u yaalla , kuwa taageersan go’aankan golaha guurtida gaadhayna , waa qaar baal marsan sharciga iyo distuurka dalka u yaalla , ogaan iyo u lakacna way u samaynayaan , ilayn ma odhan karno waa dad jaahilkiin ah , ama aan sharciga garanayn

.
Xisbiyada mucaaradkana waxay ku taagan yihiin , waa arin sharciga iyo distuurka dalka u yaalla waafaqsan . Wixii ay ku heshiiyeen saddexda xisbi qaran iyo  komishanka doorashooyin qaranku waa  arin  sharci  ah  oo distuurka dalka yaalla waafaqsan .
Waxaanay ahayd wixii saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinku in ay meel marto , kol   haddii hay’ addii u qaabilsanayd ay tidhi , xiligaa ayay doorashooyinku qabsoomi karaan .
Hadaba sidee khilaafkan looga bixi karaa ? iyada oo aan dhibaatooyin dhicin iyo buuq iyo khilaafaad siyaasadeed oo aan lagaran karin meel ay ku dhamaan doonaan ?
Horta maxaa  khilaafkan  keenay ? ee u sabab ah ?
Khilaafkan sida aynu wada ogsoonahay waxa keenay golaha guurtida oo muddadii uu sheegay komishanka dorashooyinka bedelay oo muddo 10 bilood ah ku daray .
Go’aankan golaha guurtidu gaadhay ee uu bedelay , go’aankii ay gaadheen komishanka doorashooyinka qaranku , waa go’aan baal marsan sharciga dalka u yaalla iyo distuurkiisaaba .
Xukuumadda Axmed Siilaanyona go’aankan khaldan ee baal marsan sharciga iyo distuurka dalka u yaal bay qaadatay , iyada oo is indho tiraysa , oo isleh bal ku eeg in uu idiin maro iyo in kale .
Waayo ? xukuumadda Axmed Siilaanyo waxay xiligeedii qaban kari wayday doorashadii laga sugaayay in ay dalka ka qabsoonto 26/06/2015.
Hadaba xukuumaddu iyada oo ku guul daraysatay in ay doorashooyinkii xiligeedii qabato , oo shaqadeedii gudan kari wayday , ayaa muddo kordhin loogu daray , halkii lagula xisaabtami lahaa, maxay xukuumaddu u qaban kari wayday shaqadii laga sugaayay ee loo doortay ee loo igmaday .
Markii arintaa la samayn waayay , waxay xukuumaddu codsatay in muddo kordhin loo sameeyo , xisbiyada mucaaradkuna arintaas way ku khaldanaayeen , in xukuumadda muddo kordhin laga yeelo marka horeba may ahayn , iminkana xukuumaddi way sii balaadhsatay muddo kordhintii .
Hadaba Sideese khilaafkan loo xalayn karaa ?
Waxa khilaafkan dawadiisu tahay iyo xalkiisuba , in sharciga iyo distuurka dalka u yaalla lagu dhaqmo lana fuliyo , haddii kale halkaa waxa ka bilaabmi karta dhibaatooyin lagaran karayn sida ay ku danbayn karaan .
Hadaba haddii aad aragto arin laysku hayo , oo laysku khilaafsan yahay , inta badan waa arin aan runteeda lahayn , ama cid dana gaar ah ka leedahay oo ay khilaafka iyo dhibta abuurayaan
Khilaafkanna waxa lagaga bixi karaa , iyada oo ay xukuumadda Axmed Siilaanyo ixtiraamto sharciga iyo distuurka dalka u yaalla , kuna dhaqanto .
Ixtiraamtona kana xishooto shacabka reer Somaliland ee soo doortay , iminkana doorashooyinka xiligoodii ku qabato .
Madaxweyne Axmed Siilaanyo maanta taariikhdu hortaagan yahay , ficilkuu maanta ku dhaqaaqona ayaa xukumi doona , halgankiisii siyaasadeed ee 50 sano ahaa .
Bal hadaba waynu eegi doonaa meesha uu doonaayo in uu taariikh Somaliland ka galo , noloshiisana ku khatimo .

cali maxamed biixi
CALIWWELLI@HOTMAIL.CO.UK

COMMENTS
LINKS