Kaalinta Hogaamineed Ee Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Iyo Saamaynta Uu Ku Leeyahay Aqalka Madaxtooyada Iyo Gobolka Awdal, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kaalinta Hogaamineed Ee Madaxwayne Ku Xigeenka JSL Iyo Saamaynta Uu Ku Leeyahay Aqalka Madaxtooyada Iyo Gobolka Awdal,
May 14, 2015 - Written by Editor:

“Awood intee leegbuu ku leeyahay Gobolka uu ka soojeedo ee Awdal? Hadiise Uu Leeyahay Miisaan Awoodeed Oo Buuxa Muxuu Wax Uga Qaban Laaya ay Suldaanka Jabhada Samaystay Ee Wabar??

HARGAYSA(Wajaalenews)Waa qalin sugan iyo sadaro hufan oo si saxa u iftiimin doonta Sooyaalka Siyaasadeed ee Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Eng Cabdiraxamaan Cabdilaahi Simaaciil :Saylici”

DSC_0030

Inagoo diirada saari doona shaqsiyada dhabta ah ee Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ugu horayse waa kuma Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici? aqoontiisu se halkay gaadhsiisan tahay? ma ku abtirsadaase Beelihii soo Hogaamin jiray dhaqanka iyo Siyaadada Bulshada Gobolka Awdal? dabeecad ahaanse waa nin nooceeya? guusha iyo nasiibka ku saaciday in uu Madaxwayne ku xigeen noqdo kadib saamayn intee leeg ayuu ku leeyahay aqalka looga arimiyo Somaliland ee Madaxtooyada? Awoodse intee leegbuu ku leeyahay Gobolka uu ka soojeedo ee awdal? hadiise uu ku leeyahay Miisaan Awoodeed oo buuxa muxuu wax uga qaban laaya ay suldaanka jabhada samaystay ee Wabar? iyadoo Somaliland soo martay marxalad awooda dhaqaale iyo awooda ciidanba ay aad uga yaraayeen halka aan maanta taagan nahay wakhtigaas oo kusigan Madaxwayne ku xigeenka ee uu ku fadhiyo ay ka talinayeen muj CABDIRAXMAAN AW CALI FAARAX IYO MADAXWYNIHII HORE EE DAAHIR RAYAALE KAAHIN,,maxaa sobobbay in maanta oo dalku dhinac walba ka duwan yahay xiliyadaa in Jabhadi ka samaysanto Gobolka Awdal?

Ugu danbayse Madaxwayne ku xIgeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici guul iyo guul daro midkuu Buuga taariikhda kaga qoran yahay maadaama mudo xileedkiisii la doortay ay bili ka hadhay?

Hadaba su,aalahan oo ay u kuur galeen Suxufiyiin ka hawlgala Shabakada Wararka ee Wajaalenews wuxu udhignaa sidan;

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland sida ku cad Sooyaalkisa siyaasadeed wuxuu salaanka siyaasada kasoo koray Golayaasha Deegaanka dalka wxaanu kamid noqday Xildhibaanadii Xisbiga Kulmiye uga soo baxay Doorashadii Galayaasha degaanka 2002 , Eng Saylici waa shakhsiyad qunyar socoda waxaana lagu xusaa in uu kamid yahay Aas Aasayashii Shirkada Biyaha ee” SHABA”

Sanadkii 2007 ayay ku dhalatay in uu oqdo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland kadib markii uu gacan ka haadin ka helay Madaxwyane Siilaanyo oo wakhtigaa dagaalkii ugu adkaa u galay sidii MUJ CABDIRAXMAAN AW CALI ugu badali laha Eng Saylici, haybta Eng Saylici waa nin” BAHABAR CELI AH” Bahwadaagna la leh Beesha MAXAMED CASE”Deegaanka ay degto Beesha Madaxwayne ku xigeenku kasoo jeedaa Waa BUURTA LIBAAXLAY oo waqooyi galbeed kaga beegan Magaalada Boorama. inkastoo Madaxwayne ku xigeenka Qoyskiisu degenaa gudaha Magaalada Boorama heerka uu aqoonta ka gaadhay Madaxwayne ku xigeenku wuxuu kasoo baxay Maxadkii Farsamada gacanta ee Dalkii Somaliya.

Hadii aynu intaa ku dhaafno Soyaalka taariikheed iyo Siyaasadeed ee Madaxwayne ku xigeenka Somaliland. Eng Saylici.

Waa Madaxwyne ku xigeenki Sedexaad ee ka soo jeeda Gobolka AWDAL kana hawlgala Aqalka Madaxtooyada wuxuu bogoga taariikhda kaga xusnaan doonaa baal madow waxana hubaala in uu yahay masuulkii ugu dhaliilaha badnaa hogaamintiisana ay ka muuqato kalsooni daro, siyaasad xumo iyo Shacabka Gobolka Awdal kasoo jeeda oo in toodii badnayd saluugeen hogaamintiisa

Sidoo kale Madaxwaye ku xigeenka Somaliand wuxuu noqonayaa masuulkii ugu horeeyay ee baneeya kaalintiisa ilamarkaana aan isticmaalin awoodiisa Dastuuriga ah, wax saamaynana aan kulahay aqalka Madaxtooyada Somaliland. Sidoo kale Madaxwayne kuxigeenka Somaliland wxay dadka siyaasadiisa u kuur galaa ku eedeeyaan in aanu go,aamadii iyo kaalintii looga baahnaa ka qaban jabhada ka samaynsatay Gobolka Awdal uu kasoo jeedo .

Ugu danbayn iyadoo somaliland soomartay marxalado ka duwan marxaladan ay maanta ku jirto waxaa la is waydiinayaa .dhaqdhaqaaqyada Magaalada Boorama ka socda ee labdii Madaxwayne ku xigeen ee ay isku Gobolka Awdal kasoo jeedeen aanay la kulmin iyadoo Sanadihii Sagaashamaadkii oo awooda ciidan iyo awooda dhaqaalaba yagleel ahaayeen riiqdii dagaaladii sokeeyana ay sii muuqatay .

isku soo wada duuboo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxaa Taariikhda lagu xusi doonaa tabcaanimo Siyaasadeed iyo kala qaybin Reer Awdal ah waxtar la,aan qaranka somaliland ah

 

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS