Islaamnimadu Iyo Dhaqanka Suubani Waa Wadatashi Iyo Shacabka Oo Lagula Shurakoobo Go’aanka.By Amiirka Muse Gaadhane | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Islaamnimadu Iyo Dhaqanka Suubani Waa Wadatashi Iyo Shacabka Oo Lagula Shurakoobo Go’aanka.By Amiirka Muse Gaadhane
May 11, 2015 - Written by Wariye:

Bismillahi Raxmaani Raxiim Ku soo dhawaada Maqaalkan.

Xukumada//Golayaasha qaranka//iyo Xisbiyadu maxaay ka
Aamin sanyihiin Islaamka iyo dhaqan keena suuban?

Islaamku waa wadatashi iyo shacabka oo lagula shuraakoobo
Go’aamada.
Islaamnimadu waa cadaalad iyo Raxmad.
Islaamnimadu waa Dariiqa Nolasha Bani’admiga oo dhan.
Islaamnimadu waa cilmi iyo shaqo iyo akhlaaq wacan.

16pt;”>Islamnimadu waa dadka jilicsan oo loo naxariisto.
Islaamnimadu waa wadatashi oo shacabka lagula shuraakobo.

waxaa muhiim ah in lagu dhaqmo xeerarka dalka u yaal iyo
maba’adiida Aasaasiga ah sidda:
sinaanta.
wadatashiga.
xoryatal qawlka.
xoriyada ganacsiga.
ixtiramka shurucda iyo xeerarka.
ixtiramka xuquuqda madaniga e shakhsigu
xaqa u leeyahay.
iyo ixtiramku uu leyahay madaxweyna la so dorta
iyo laamihiisa dawliga ah,iyo ixtiramka xuquqda bulshada.

Hanaankan waxaad ku gaadhi Mustawaha ugu sareeya
ee guusha:
u sare kac in aad bulshada kula macamishid sidda aad adiguba
ujeceshahay in aay kula macamilaan.wejigaagana u fur sidda aad
u jeceshahay in aay kuugu furaan adigaba.

Bulshada ka ilaali hadalka qadhaadh,si aad uga heshid hadal macaan.
isuna taag sida aad u jeceshahay in ay isugu kaa taagan.dadkana takuley
sidda aad u jeceshahay in laguu taakuleeyo.

Gebogabada maqaalka:
shaydaanku quluubta ma galo haddii aan laga furin Ilbaabka.waxaa ii muuqda
wax weeyn in Xukumadi iyo Go’layashii iyo Xisbiyadii shaydaankii u fureen Albaabka.
waxay ku tahay shacabku Xaq baay u leeyihiin in lagula shuraakoobo Go’aamada inta
aanad ku dhawaaqin.lakiin daw maaha mana geyaan in lagu yidhaahdo dhegaha halaga
furaaysto.
By: Amiirka Muse gaadhane.
Birminham Uk

COMMENTS
LINKS