Horta Maxaa Igu Diray Een U Xaasidi Axmed Siilaanyo!-W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Horta Maxaa Igu Diray Een U Xaasidi Axmed Siilaanyo!-W/Q: Mujaahid Cali Xaraaro
May 12, 2015 - Written by Editor:

Axmed siilaanyo xaasidi maayo oo qofku haduu kasoo baxo hawlahiisa waa lagu amaanaa, welise waxa sugaya qodobadii uugu cuslaa iyo siduu u dhigi lahaa Axmed Siilaanyo xiligii uu mucaaridka ahaa wuxuu dalal badan oo kasoo hor jeeda gooni isu taaga JSL la galay balan qaad uu ku sheegey inuu isagu yahay qofka qudha ee dadka reer Somali land ka bedeli kara mawqaf kooda ay imika aamin sanyihiin oo ah dal madax banaan isla markaana isagoo faanaya wuxuu hoolkii lagu soo dhaweeyey markii uu dalka Markaynka ka yidhi; waxaan ahay ninkii dalka qabsaday, waxaan kasoo jeedaa beesha uugu balaadhan Habar jeclo, waxaanu isku beel nahay ninka uugu dhaqaalaha badan Dahab-shiil, wuxuu faankii ku soo xidhay hadaa kursiga i saartaan muddo Saddex sanadood ah ayaan hawshaa kanoqoshada Somali land ku dhameynayaa.

Hadaba akhriste waxaan arkay rag ilaalin jirey qaranimada Somali land oo maanta ka niyed jabay run ahaana way ka muuqtaa dadka reer Somali land nabarada Axmed Siilaanyo, markaa waxaan odhan karaa waa guulihii Axmed Siilaanyo, waanan ku amaani karaa hadii kale xaasid ayaan noqonayaa, waxase Axmed Siilaanyo laga sugayaa hawlihii uugu cuslaa oo ay ka mid yihiin 1. In wax ka bedel lagu sameeyo distuurka, lagana saaro qodobada tilmaamaya gooni isu taaga JSL 2. In Somali land oo isu dhan dad iyo dal ahaanba uu Somaliya ka dhigo 3.Nabed gelyada oo aad u saraysa iyo dhawrista mudo xileedka uu haysto.

Hadaba akhriste shantii sanadood way ka dhamaatay isagoon wada dhamayn laba sanadood oo bilaa sababa ayuu maanta iibsadey markaa ma ku dhamayn karaa qodobada ku xidhan xiliyada soo socda?.

 

Cali Cismaan (Cali Xaraaro)

COMMENTS
LINKS