Hogaanka Sare Ee Xisbiga Waddani Oo Sheekh Adam Siro Ku Booqday Gurigiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hogaanka Sare Ee Xisbiga Waddani Oo Sheekh Adam Siro Ku Booqday Gurigiisa
May 29, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews):-Xubno isugu jira madaxda, maamulka, iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga waddani oo uu hogaaminayo gudoomiyaha xisbiga ayaa waxay barqadii saaka salaadii jimce ka hor ku booqdeen gurigiisa Sheekh Aadan Siro oo kamid ah culimada ugu magaca iyo misaanka weyn waddanka.

HOGAANKA WADANI 2 HOGAANKA WADANI 4

 

Sheekh Adan siro oo muddo ku sugnaa magaalada hargeisa kadib markii uu qalniin dhanka kalida ah ku soo galay dhakhtar ku yaal wadanka India ayaa wuxu si weyn ugu mahadceliyey Masuuliyiintan ku soo booqday gurigiisa isagoo dhanka kale siiyey waanooyin dhaxal gal u ah dalka iyo dadka sidoo kalena ku hambalyeeyay hishiishkii ay la galeen labada xisbi ee kale wuxu sheekho si qoto dheer uga warama Somaliland iyo sawirka ay dunida ku leedahay wuxuna sheegay in xisbiga waddani markasta ku dadaalo wanaaga badan ee uu leeyahay si gaar ahna wuxu ugu amaanay gudoomiyaha xisbigaas afgaabni iyo akhlaaq Alle siiyey.

Sheikha ayaa wuxu ugu danbeyntii Alle ka baryey inuu dalka ka dhigo mid wanaagiisu si waraa ummadana ka yeelo mid wada jir wax ku kala qaata.

Dhinaca kale waxaa iyaguna sheekha u duceeyey Gudoomiye kuxigeenka kowaad ee xisbiga Axmed Mumin Seed, Xoghayaha Siyaasada Maxamud Raage, Xoghaya xidhiidhka Gobolada, C/lahi Damur, Xassan Codyare, Haldoor Barkhad Jama Batun waxaaney dhamaantood Alle uga baryeen inuu sheekha caafimaadkisa oo aad u wacan u sii siyaadiyo

HOGAANKA WADANI 1 HOGAANKA WADANI 3

Ugu danbentina waxaa madasha soo afmeeray hadalkeeda gudoomiyaha xisbiga mudane, C/raxman cirro isagoo sheekha ugu horeyn si mug weyn ugu duceeyey waxaanu sheegay inuu sheekhu yahay shaqsi qiimoiyo qadar weyn ugu fadhiya Somaliland Allena uga baryayo caafimaad qab deg deg ah wuxuna dhankisa balan qaaday inaan xisbiga waddani marnaba dhankisa ka imaneyn wax lid ku ah wada jirka ummada iyo isku haynta dalka iyo dadka isagoo sheegay inuu xisbiga waddani markasta danta dalka iyo dadka ka horumarinayo wax kasta oo ku imaada wadanka waxaanu tusaale u soo qaatey tanaasulaadkii badna ee xisbigu u sameeyey ee ku saabsaneyd arimaha dib u dhaca doorashooyinka

Guud ahaan kulankan ayaa ku soo afmeermay duca iyo dardaan lakala qaatey

Talaabadan xisbiga waddani ku booqday sheikh adan siro ayaa waji gabax weyn ku ah dawlada iyadoo Madaxweynaha iyo kuxigeenkisu aanay wali ku booqan gurigisa

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS