Hay’adda UNHCR Oo Ka Jawaabtay Go’aanka Somaliland Ku Joojisay Qaxootiga Yemen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda UNHCR Oo Ka Jawaabtay Go’aanka Somaliland Ku Joojisay Qaxootiga Yemen
May 27, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa (Wajaalenews)- Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa jawaab ka bixisay go’aan dawladda Somaliland ku mamnuucday inay qaabisho, isla markaana qaxooti cusub ka soo degaan dekadaha dalkeeda, go’aankaas oo la sheegay inuu dhaqan-galay Isniintii.

Qaxootiga-yemen

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancadde oo ay weheliyaan Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Wasiir-ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa maalintii Axadda, ayaa sheegay in qaxooti tiradoodu ka badan tahay 3 kun oo qof soo gaadheen Somaliland muddada dagaalladu Yemen ka socdeen, sidaa darteedna hay’adaha caalamiga ah ee gargaarku ka gaabsadeen inay caawimo u fidiyaan dadkaas, sidaas darteedna aanay aqbalayn qaxooti dambe oo ka yimaad dhinaca dalka Yemen.

Haseyeeshee, sida lagu faafiyey wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu Agency, hay’adda UNHCR ayaa nasiib-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaantay go’aanka Somaliland ku joojiyey inay qaabisho qaxooti cusub oo soo qaxa dhinaca Yemen.

“Nabadgelyo iyo deganaansho buuxda ayaa ka jirta Somaliland, iyadoo la rajaynayo in qaxooti badan oo kale gaadhaan dekedda Berbera, laakiin go’aanka ay qaadatay Somaliland ayaa ah mid laga qoomamoodo, annaga oo rajaynaya in Hargeysa dib uga noqoto go’aankaas.” Sidaa waxa wakaaladda wararka Turkiga u sheegay sarkaal la yidhaa Cismaan Cali oo ka mid ah masuuliyiinta UNHCR ee Soomaaliya.

Xulafada Sucuudiga ayaa weerarro dhinaca cirka ah Yemen ka bilaabay 25 March 2015, kaasoo ay kaga soo horjeedaan Xuutiyiinta oo dagaal ugu jira sidii ay ula wareegi lahaayeen maamulka dalkaas, iyadoo dagaalyahannadaasi qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn ee Yemen.

COMMENTS
LINKS