Hargeysa Laba kamida Shaqlaha Diwaangalinta Madaniga ah Oo Xabsiga Loo Taxaabay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hargeysa Laba kamida Shaqlaha Diwaangalinta Madaniga ah Oo Xabsiga Loo Taxaabay
May 13, 2015 - Written by Editor:

Hargaysa-(Wajaalenews)-Ciidamada RRU-da  ayaa manta xabsiga u taxaabay laba kamida shaqalaha diwaangalinta madaniga ah ee gobolka maroodi jeex.

Sida ay goob joogayaal u xaqiijiyeen himilomedia ciidamada RRU da ayaa xabsiga u taxaabay laba ka mida shaqalaha Diwaangalinta madaniga oo cabasho la hor tagay afaafka hore ee wasaarada arimaha gudaha.

Shaqaalahan ayaa sheegay in wasaarada arimaha Guduha ay ka musuqmaasuqay lacagtii ay ugu shaqaynayeen ee diwaangalinta madaniga ah iyagoo sheegay inlCabashadoodu la xidhiidha mushahar la’aan labadii bilood  ee ugu dambeyey oo anay qaadanin isla markaana sii wadi Karin shaqadaasi mudo intaasi ka badan oo mushar la aana..

Ma jiro wax wara oo kasoo baxay masuuliyiinta wasarada arimaha gudaha oo la xidhiidha xadhiga hawl-wadeenadan cabashada ay sameeyeen lagu xidh xidhay , diwangalinta ayaa u muuqata inaanay sii socon doonin maadaama ay si habacsanaan u socatay mudooyinkan danbe

Kadib markii ay shaqada kasii wadi kari wayeen goobihii ay ka hawl-galyeen oo ahaa deeganada dhamaan degmooyinka hoos yimaada gobalka maroodi-jeex

COMMENTS
LINKS