|
|||||
WAJAALE NEWS
HARGEISA oo Markii Ugu Horaysay Lakeenay Duruucda Haweenka oo ka Samaysan Calanka Somaliland Iyo Xuska 18may;DAAWO SAWIRO
May 14, 2015 - Written by Editor:TUKAANKA CAALAMIGA AH EE HABOON DEEQA OO MARKII UGU HORAYSAY DALKA KEENAY DHARKA DUMARKA OO LAGU XARDHAY CALANKA SOMALILANDHARGAYSA(Wajaalenews) Tukaanka caalimaga ah ee Haboon Deeqa xaruntiisa Caasimada Hargaysa ayaa markii u horaysay dalka keentay dharka dumarka oo laga soo xardhay calanka Somaliland, arintan ayaa noqonaysa markii u horaysay ee duruucda haweenka noocyadooda kala duwan laga soo sameeyo midaba uu ka kooban yahay calanka jamhuuriyada Somaliland munaasibada dabaaldaga maalinta madaxbanaanida Somaliland. Tukaanka Haboon Deqa oo ka furan meelo badan oo caalamka kamida ayaa bulshada somaliland gaar ahaan haweenka usuurto galiyay in labiska ay xidhaan oo ka samaysan calanka somaliland laga helo dalka gudihiisa iyo dibada Muwaadinada Haboon Jaamac Xasan ayaa isku xilsaartay daboolida iyo kaqaybqadashada xuska 18may iyadoo dadaal balaadhan oo ay muujisay, suurta galisay in caalamka iyo dalka gudihiisaba laga helo gaar ahaan haween waynaha reer Somaliland ee ku kala nool qaaradaha dunida sida qaarada yurub, wadamada carabaha iyo wadamada afrika iyo waliba Caasimada Somaliland ku dadaashay in calanka somaliland lagu sameeyo dharka dumarka oo ah style kii ugu casrisanaa duruucda haweenka.
WAJAALENEWS DESK HARGAYSA SOMALILAND EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|