Hagardaamooyinka(Hadimooyinka Siyaasadeed) Ay Gaystaan Qaar Kamida Ah Masuuliyiinta Xafiiska Gobolka Awdal …Qore:Cusmaan Cali Warsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hagardaamooyinka(Hadimooyinka Siyaasadeed) Ay Gaystaan Qaar Kamida Ah Masuuliyiinta Xafiiska Gobolka Awdal …Qore:Cusmaan Cali Warsame.
May 22, 2015 - Written by Wariye:

Maamulka Gobolka Awdal ayaa la tacaalaya dhibaatooyinka iyo hagardaamooyinka ay gaystaan  qaar kamid ah shaqaalaha Xafiiska  Gobolka Awdal  , Xafiiska Badhasaabka Gobolka Awdal marna ma  noqon mid awoodiisa maamul ay muuqato , sanadihii badanaa ee Nidaamka maamulka Somaliland ka hano qaaday Gayigan iyo  Maamuladii kala dambeeyey .

Badhasaabka Gobolka Awdal waxaa mar walba ka magac dheeraa , gudoomiyaha degmada  Borama , taasi waxaa  keenay maamul jilicsanaan iyo saraakiisha ka hoos shaqaysa oo ay aad u liitay  aqoontooda shaqo , tooda cilmiyeedna ay tahay mid aan dhaafsanayn dugsi dhex iyo sare una baahan tababro la xidhiidh maamul wanaaga iyo inay kordhiyaan aqoontooda.

Badhasaabkii  hore ee Gobolka Awdal Cabdoo

Aayir ayaa mudadii u maamulka ka ahaa Gobolka Awdal waxaa u ka talaabsan kari waayey , Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal ee hore iyo Xoghayaha Gobolka Awdal, Labdan Masuul ayaa iyagu ku sifoobay labo masuul  oo yeeshay booska shaqo ee loo egmaday kadib markii ay muddo dheer halkaasi ka shaqaynayeen lana shaqaynayeen maamulo dhawr ah oo is babadaly, labadan masuul ee midi booska baneeyey ayaa is dhaafsan jiray gacmaha, miinooyinka kacdoon ee aanu maamulka gobolku ka talaabsan kanrin  aasi jiray si ay danahooga gaaraka ugu fushadaan.

Badhaasaab ku xigeenka Gobolka Awdal ee shaqada hada baneeyey waxaa u aaminsaanaa in uu ku fadhiyey kursigii beesha ciise ku lahayd degmada  iyadoo aanay beesha ciise ku lahayn  wax kursiya  Gobolka madaama degmooyinkii ay ku magacawnaayeen la hoose geeye Gobolka Salal, halka Xoghayaha Dawlada hoose ee Borama lagu maamusay mansabkan, beelaha kale ee HABARCAFAAN ee uga mudnaa kursigan  ay quudaraynayaan in ay maalin uun qabtaan booskan shaqo.

Xoghayaha Gobolka Awdal dadiisa oo yar iyo khibradiisa shaqo  oo gaaban  waxay dhaxalsiisay in uu samaysto  cadaw siyaasadeed oo badan oo anu lahayn  farsamadii iyo hubkii u ku maarayn lahaa, badhasaab Ramaax oo mudo ka yar 5 bilood jooga Gobolka Awdal  ayaa isaga iyo xoghayaha, dildilaac dhexdooda yaala banaanka laga dheehan karaa taasi mid lamida ah waxaa qabay  sadexdii badhasaab ee ka horeeyey Ramaax oo dhamaantood xoghayaha ku sifeeyey  siyaasi aan qaan gaadh ahayn.

Su aasha meesha taalaa waxay tahay waa kuma shaqsiga lagu badili doono xoghaya Gobolka Awdal, maadaama xanta suuqa iyo majaalista lagu gorfeeyo siyaasada gobolku ay odorosayaan in u soo dhamaaday axdigii  xoghayaha Gobolka Awdal, Dadka qaar ayaa farta ku fiiqaya in booska la siin doono qof kale oo ka tirsan beesha XEEBJIRE , halka ilo siyaasadeedyo odorosa arimaha gobolku  ay sheegayaan in jilib kale oo HABARCAFAAN ah loo qoondeeyey booskan.

Tani waxay dadbadan ku keentahay in ay is waydiiyaan waa maxay  sobota ay seeftu u qaadaysaa xoghayaha Gobolka isla markaan ay horay ugu qaaday Gudoomiye ku xigeenku gobolka, jawaabta ayey dadbadan la soo deg degayaan iyagoo odhaanaaya, hanaankii shaqo ee Xafiiska Gobolka oo baabay, is qab qabsi loo maaro waayey oo ka jira xafiiska iyo hanti  loogu talo galay in gunno loo siiyo diwaangalinta madaniga oo la waayey taasina ay sobob u noqotay in loo mudo dheereeyey wakhtigii ay ku soo dhamaan lahayd diwaan galintaasi  iyo sidoo kale  waxay intaasi ku dareen siraha xafiiska Gobolka oo baxa, cuqaasha iyo salaadiinta oo si joogta ah loo la socodsiiyo wixii soo gaadha xafiiska gobolka Awdal ,

kuwaasi iyo kuwo kale oo badan  ayaa loo aanaynaya  masuuliyiinta ka hoos shaqaysa Gudoomiyaha Gobolka Awdal gaar ahaan xoghayaha Gobolka, waana ta  keeni karata ama keentay in masuuliyiintaasi ku waayaan booskooda shaqo.

Qore: Cusmaan Cali Warsame.

suxufi1993@hotmail.com

COMMENTS
LINKS