Hadii Cidi Ceeb U Dhiman Lahayd Waxa U Dhiman Lahaa Nimanka Yidhi Waxaanu Nahay Gudi Ka Socota kulmiye Oo Wada Hadalka Sedexda Xisbi Qaran Ayaanu Ka Qayb Nahay Ee Hadana Yidhi Waxba Nagama Go,aan;Cali Xaraaro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadii Cidi Ceeb U Dhiman Lahayd Waxa U Dhiman Lahaa Nimanka Yidhi Waxaanu Nahay Gudi Ka Socota kulmiye Oo Wada Hadalka Sedexda Xisbi Qaran Ayaanu Ka Qayb Nahay Ee Hadana Yidhi Waxba Nagama Go,aan;Cali Xaraaro
May 27, 2015 - Written by Editor:

Hadii cidi ceeb u dhiman lahayd waxa maanta u dhiman lahaa nimanka yidhi waxaanu nahay gudi ka socota xisbiga kulmiye oo wada hadalka sedexda xisbi qaran ayaanu ka qayb nahay ee hadana yidhi waxba nagama go aan oo waxaanu arinka kula noqonaynaa cidii nasoo dirtay nimankaa magac yadoodu waxay kala yihiin,

1.Muuse Biixi “Cabdi faras” oo sheegtey gudoomiyaha xisbiga kulmiye 2.maxamed kaahin oo sheegtey gudoomiye ku xigeenka xisbiga kulmiye 3.baashe 4.cali waran cade afartan xubnood oo sida la sheegey inay ka socdaan xisbiga kulmiye ayaa noqday ama u muuqday kuwo dadka la tusayo laguna ciyaarayo isla markaana cidi tilifoon ku hagayso oo aan sidan wax cadayn kara inay qaadan karaan go,aan kama dambays ah sida lawada ogyahay mudo sedex cisho ah ayey fadhiisteen shirka u socdey sedexda xisbi qaran hase yeeshee waxay goobtaas ka cadeeyeen inaanay sidan wax go aan qaadasho ah oo ay kula noqonayaan cidii soo dirtey ku darsoo raga qaar ka mid ihi waxay sheeganayaan gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen ka socda xisbiga kulmiye intaas waxa u dheer sida la sheegey inay afartuba is basaasayaan oo mid waliba inta kale ka waramayo hadaba akhriste miyaan la odhan karin waxa haboon in marka hore la xaliyo dhibta dul hogoneysa gudaha xisbiga kulmiye oo munaafaqada la iska dhaafo oo kan la cadibayaana fuleynimada iska daayo iley si walba wax loo yeelye waa muuse biixi cabdi faras waxaan ku soo xidhayaa.

Ninka yidhi waxbaan Ganay Anoo gol iyo cayn jooga ee yidhi Bankii Garacad baan gudub u weydaarin Godka lagu Cadaab Yoow Muxuu go uhu been sheegey,

 

Qalinkii Muj Cali Cismaan Libaax (CALI XARAARO)

COMMENTS
LINKS