|
|||||
WAJAALE NEWS
Guud Ahaan Goobihii Diiwaangalinta Dalka Oo ALbaabada Laysugu Laabay Kadib Lacag La’aan Soo Food Saartay
May 21, 2015 - Written by Editor:Wasaaradaha maaliyada iyo arimaha gudaha oo isku riix riixay mushaharka shaqaalahaas iyo Qaar ka mid ah Shaqaalaha oo Xabsiga loo taxaabay Hargeysa(Wajaalenews)-Guud ahaanba xarumihii diiwaangalinta ee dalka ayaa albaabada laysugu dhuftay kadib markii shaqaalihii goobahaas labadii bilood ee ugu danbeeyay aan la siin wax mushahar ah. Wasaarada arimaha gudaha ayaa shaqaalahan qaadatay kuwaas oo ku dhaw shan boqol oo ka mid ah ardaydii jaamacadaha dalka waxaanay ka hawlgalisay gobalada Maroodi-jeex,Awdal,Saaxil,Togdheer iyo Ceerigaabo. Shaqaalahan iyo wasaarada arimaha gudaha ayaa labadii todobaad ee ugu danbeeyay ahaa kuwo madaxa iskula jira waxaanay xabsiga u taxaabtay lix shaqaalahaas ka mid ah oo midkood wali xabsiga ku sii jira, sida oo kale wasaaradaha arimaha gudaha iyo maaliyada ayaa shaqaalahaas u sheegay in aanay wax dhaqaale ah u ahayn iyada oo wasaaradiba wasaarada kale ay ku riixday. Gudi shaqaalahaas diiwaangalinta muwaadiniinta Somaliland ay iska saareen oo ka kooban 27 xubnood ayaan ilaa hada u muuqata mid aan helin cid u soo istaagta iyo halkii shaqaalahaasi uu u raaci lahaa mushaharkiisa. Waxa xusid mudan in shaqaalhii degmooyinka Hargeysa hoosyimaada ay magaaladda ugu soo xaroodeen lacag la’aan soo food saartay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|