Gufeynta Baarlamaanka ee Golgoloolooyinka Sharci iyo Garwaaqsiga Go’aanka Guurtida 29.05. 2015kii Taariikhyahan Cali Dool Axmed (ex C.Qoryooley) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gufeynta Baarlamaanka ee Golgoloolooyinka Sharci iyo Garwaaqsiga Go’aanka Guurtida 29.05. 2015kii Taariikhyahan Cali Dool Axmed (ex C.Qoryooley)
May 29, 2015 - Written by Wariye:

Ku: Shirgudoonada Baarlamaanka iyo Dhammaan Mudanayaasha Guurtida   iyo Wakiilada

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

C.QoryooleyWalaalayaal dadka cilmiga taariikhda ku takhasusay iyo dadka waxgaradka ah ee dhacdooyinka taariikheed ku cibra qaataba,waxay ugu neceb yihiin,inay mushkilado isku nooc ahi ay bulshadooda kusoo noqnoqdaan wakhtiyo isudhow,maxaayeelay meesha aad ku aragtid mushkilado isku mid ah oo ummadda kusoo noqnoqday,sida dib u dhaca doorashppyonka iyo khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhasha muddo u kordhinta golaha Guurtida ee m/weynaha,m/weyne ku xigeenka ama golayaasha sharcidejinta ee Somaliland.mushkiladahaas asbaabaha abuura waxa ka mid galldoloolooyinka faraha badan ee ku jira xeerarka doorashooyinka iyo awoodaha sida qaldan loo siiyay lomishinka doorashooyinka qaranka,awoodahaasoo ay deeqbixiyayaashu soo alifeen,si ay kaalin ugu yeshaan nidaamka doorashooyinka Somaliland,kadibna ay inoo horseedaan khalkhal siyaasadeed iyo khilaafaadka qaranka ragaadiya.

Ninka Gudo Habeenkee Gobanimada Iibshoow

 

Muwaadiiinta reer Somaliland ee khilaafka iyo muranka ma dhelayska ee golayaashooda ka dhex socda la yaaban,ee arkaya sida loo kharribayo,qodobadii dastuurka iyo xeerarkii ka dheegmayayba,ee weliba ay murginayaan raggii aynu u xil saarnay,una dooranay,inay shurucda dalka Ilaaliyaan,

Raggaasoo intay xilkii qaran mashruuc ka dhigteen,dabadeedna khalkhalka iyo khilaafka siyaasadeed ina geliyay,raggaasi ma oga inuu dhicibku fahamsan yahay,waxay ku murmayaan iyo kolba inay khilaafaad cusub abuurayaan qarankoodii xorta ahaa,muran aan danta umadeed ahayn,balse wirigwaarig iyo hadana waa ikanta uun ah,

Hadaba hal kudhegeena xiligani waxa weeye,xigmadda iyo dginiinaha ku jirta, heestan oo cahdigii Siyaad Barre qaybihiisii hore soo baxday,oo odhanausay,

 

  • Ninka guba dhulkeenee latashada gumaysoow,cadka goosa bowdada,shoow,
  • Kugu garanay ladaad la gurguuranaysee,cidda kuu gargaartiyo gogoshaada lamu cuno,ciidaada lama gubo,xaqood gacanta haysaa Ilaah kugu gargaaraa,

 

  • Gurmarmad ma leh khiyaamoo goorgoortii ka dambeyseey kulasoo go’daa,
  • Waarhooy geed kale waabo geedkaa karoon,
  • Gaashaandhigeeniyo,shicibkoow gorfeeyoo guuldarada raggii dhigay maxaan kaga gam’aynaa?,
  • Waa gar waa gar waa gar Ilaaha,nin waliba wuxu gaystaybaa laga gudayaa,

 

  • Ninka guda habeenkee gobanimada Iibshoow,gardarradu ma socotoo.,xadhkahaad guntaysaa ku guulaysan mayside,garabkaaga lama siro, godka looma qariyo adaa gali hortiisee,
  • Xaqood gacanta haysaa Ilaah kugu gargaaraa,

 

  • Gurmarmad ma leh khiyaamoo goorgoortii ka dambeyseey kulasoo go’daa,
  • Waarhooy geed kale waabo geedkaa karoon,
  • Gaashaandhigeeniyo,shicibkoow gorfeeyoo guuldarada raggii dhigay maxaan kaga gam’aynaa?,
  • Waa gar waa gar waa gar Ilaaha,nin waliba wuxu gaystaybaa laga gudayaa,

 

Qeexiddii Weedhaha Gobanimo,Gunnimo iyo Ku Dabaqidda Dalka Jamhuuriyadda Somaliland

 

Mudanayaal halkan waxaynu kusoo qaadanaynaa tusaale ku saabsan, sida loo qeexo ama miisaanka siyaasadeed ama sharciyeed ee caalamiga ah ee Ereyada Gunnimo iyo Gobanimo(madaxbannaani) kala leeyihiin,ama mugga siyaasadeed ay leeyihiin weedha Gobanimada iyo Gunnimadu

 

Marka aad hoos u dhugatid,habkii ay qoraayadii hore ee noolaa ilaa 1950 ama kuwii wax qori jiray 50 sano ka hor xilligan,gaar ahaan sidii ay u qeexi jireen,micnayaasha siyaasadeed ee ereyada gobanimo( madaxbanaani), gunnimo iyo horumarka ,waxa kuu muqanaysa,mugga iyo nuxurka siyaasadeed ee kelmadahaas lahaayeen waagaas ,cahdiyadaas waxa intooda badan socon halgamo ay wadi jireen qaramo xornimo doon ahaa,xaalaadkaas awgood ayaa isaga oo qoraagii Maraykanka ahaa ee la odhan jiray Marshal Singer ee qoray buugii la odhan jiray ( Weak States in World of Powers) ee soo baxay 1976dii,ayuu isaga oo bogaga buugaas ee 31 ilaa 51 ku micnaynaya ereyadaas, kor ku xusan,uu gaar ahaan wuxuu ku qeexay ereyga Gobanimo ama madaxbaanida qaran waa ( marka ay dadka waddankaas leh ay dowladoodu u madaxbanaan tahay go,aan ka qaadashada dhammaan amuuraha dalkeeda khuseeya guud ahaan dhinac kasta sida arrimo gudeed iyo kuwa dibadeedba,iyaga oo aan cid kale u habranaynina ay xidhiidhadooda dibadeed samaysanayaan),

 

Qoraagu wuxuu yidhi,ereyga Gunnimana waa (marka aanay dadka dalkaas leh aanay dowladoodu amuuraha waddankeeda ka go,aan qaadan Karin iyada oo cid kale oo ay u habranaysa kalasoo tashato mooyaane,),halkan waxa nooga cadaatay in aanu dalna xornimo taam ah haysanin ilaa inta go,aan ka qaadashada dhamaan arimaha dalkooda ay kaga xidhan tahay dowlado kale oo si uun ay ugu habranayaan ama lagu sheego deeq bixiyayaal iyo dayn bixiyayaal lagu magaabayo,tusaale ahaan doorashooyinka waxa ka taageera oo ay kaga xidhan tahay qabsoomidoodu dowladaha Afrika deeq bixiyayaasha reer Yurub, markaa Afrika weli xor ma aanay noqonin)

Gadaba mushkiladda ay inoog keentay deeqda yare e ay qaadhaan bixiyayaashu ku bixiyaan doorashooyinka Somaliland,waxa weeye,inay inagaga iibsadeen xornimadii iyo madaxbannanaidii jamhuriyadda Somaliland ee aynu go,aansanay kuna dhawaaqnay 18kii May 1991dii.

 

Masaalka Qaybaha Geedka Dowladnimo iyo Meeqaanka Golaha Guurtida

 

Walaalayaal,sida aad wada ogtihiin,qaabdhismeedka dowladda Somaliland,waxa asaas u ah oo uu kasoo unkamay golaha guurtida, golahan ayaa haykalka dowladeed ee dalka Somaliland qaabeeyay,iyaga ayaa ansixiyay,qodobadii Axdi Qarameedkii shirweynihii Borame 1993dii,iyaga ayaa inoo doortay madaxweynihii Cigaal iyo ku xigeenkisii,iyaga ayaa inoo dhisay golaha wakiilada,iyaga ayaa shirweynihii Hargeysa qabtay 1997dii,iyaga mar labaad madaxweyne,ku xigeen iyo gole Vaarlamaan mar labaad inoo doortay 1997dii,ayaa ansixiyay qodobada dastuurka ee dowladda Somaliland ku dhisan tahay

Kaalintoodaas hore ee qaran dhisidda ah iyo kalaintoodan dambe ee ilalainta qaranimada iyo madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland ah,sidaas darteed waxa caddaan loo ogyahay,in cidkasta oo cadow u ah qaranimada iyo madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland ay la dagaalamayso jiritaanka Golaha Guurtida.

Shacabka Somalilandna waxa ku waajib ah inay,golaha guurtida ka difaacaan cadowga shisheeye iyo cadowga gudaha ee wiiqaya sharata iyo jiritaanka golaha guurtida.

Walaalayaal,Haddii aynu nidaamka dowladeed masaal ka samayno, waxaan odhan karaa jiritaanka saddexda waaxood ee qaran, ayaa noqonaya masaalka, sidii Geed weyn oo timir ah, oo meel beer ahku yaala ( dalka Somaliland),

Geedkaasina waa nidaamka dowladeed ee dalka jamhuuriyadda Somaliland loo dhisay. Sida aynu wada ognahay,geedkasta qaybihiisa ugu muhiimsani waa xididadiisa, ,jiriddiisa,diirka jilifta ah ee daboola laamaha ama xubnaha geedka , laamaha rucubta ah midhihiisu ka baxaan, caleemihiisa tirada badan iyo midhihiisa markay bislaadaan uu Ilaahay ku nooleeyo xayawaanada badan ee dadku ka mid ka yahay,,marka ay sidaas tahay Geedkaas dowladnimadu, xididadiisa uu ku taagan yahay waa golaha Guurtida,

Geedkaas jiriddiisuna waa golaha wakiilada,laamihiisuna waa waaxda xukumadda iyo ha,adaha madaxabannaan ee dowliga ah,ayna ku jiraan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa,geedkaas midhihiisuna waa waaxda caddaaladda iyo waaxda garsoorka ee u garnaqista dhinacyada is-haya u xil saaran (wanaag lagama sugu reer haddaan ururin waayeel), Geedkaas hadhkiisuna waa nabadgelyada la hadhsanayo.sidaas awgeed waxayna ogsoonahay in geedkasta jiritaankiisa ay ugu muhiimsan yihiin xididadiisa iyo jirriddiisu,balse haddi geedka xididadiisa la jarjaro ama xidid saaris lagu sameeyo,geedkaasi masii jiri karo oo dhakhso ayuu u qalalaa wuuna dumaa,qaybaha kale ee geedkase haddii la jarjaro geedku waxba uma noqdo,inta ay xidadadii geedku ay nppl yihiin ee dhulka ku aasan yihiin,qaybaha kale way soo fufaan oo geedkaasi dib ayuu usoo noolaan karaa..

 

Qaranimada jamhuuriyadda Somaliland,waxa dhidibada u taagay golaha guurtida, sidaas darraadeed,xididada ay ku taagan tahay dowladnimada jamhuuriyadda Somaliland waa golaha guurtida,masuulkasta oo golaha guurtida neceb,waa masuulkhiyamao qaran galay,isagana ayaana geedkii dowladnimo ee Somaliland duminaya,ciddii go,aamada guurtidu ansixiso wada hadal ka furtay ayaana khiyaamo qaran xilligan gashay,guurtida ayaa ugu muhiimsan marka la eegayo,jiritaanka qaranimada iyo dowladnimada jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Talosoo Jeedinta ku Wajahan Xal u Helidda Khilaafka Axsaabta iyo Golaha guurtida

 

Mudanayaal/saaxiibayaal adduunyadu manta uun ku dhammaaan mayso,waana la noolaan doonaa,waxa iman doono,wakhti aanay taariikhdu cidna cafiyi doonin,xilligasao ay iman doonto in waajib gudasha la’aantii dhcady mudadii ay Somaliland xorta ahayd,laga xisaabtamo,dabadeedna masuulkasta la qiimeyn doono intii uu xilka qaran hayay,waxtarkiisii iyo waxyeeladiisii,

Mana dheero wakhtigaasiyoo,weliba waxa soo dedejinaya, khaladaadka iyo xilgudasho la’aanta ragga cahdigan qaranka golayaashiisa 3da ah,xubnaha ka ah,(sida Xukuumadda,Wakiilada iyo Guurtida),

Qodibada aanu xalka u arko waxa ka mida

  • Inay xukumadda iyo golaha wakiiladu degdeg usoo ansixiyaan qodob xeer ah,kaasoo lagu kordhinayo,xeer 20aad.ee doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenka,qodobkaas ama firqaddaasoo sheegaysa sidan:-,madaxaweynaha jamhuuriyadda Somaliland waxa u xaq u leeyahay,inuu doorashada madaxtooyada soo qaddimo,mudada ay doorashada laso qadimay qabsoomaysana uu wareegto ku caddeeyaa,

marka la ansixiyo qodobkaas dabadeed, ayay sharci doqonaysaa,mudadii qabsoomidda doorashada ee ay habeen hore (28kii May 2015kii) ku heshiiyeen 3da xusbi, ee Desenber 2016 ka ahayd,

Haddii aanay golaha wakiilada iyo xukumaddu soo saaran qodob xeereedkaas kor ku cad ee cusub,khilaafka imika ka dhex taagan,madaxtooyada iyo guurtida,waxa xaqa ku taagan,gudoomiyaha guurtida,doorashadii ay golaha guurtidu u cayintay 27ka bisha Maaraj ee 2017ka,ee ay 3da xisbi iyo madaxtooyadu usoo rareen,badhtamaha Desember 2016kuna,waa gaf dastuuriya,maxaayeelay heshiskkaasi wuxuu sheegaysaa,inay madaxtooyadu ka noqotay,mudadi 22ka bilood ahayd ee ay Guurtidu u kordhisay,iyada oo ka baqatay,inay shuruudihii ay guurtida muddo u kordhinta madaxweynaha iyo ku xigeenka raacisay ay kasoo bixi kariwaayaan.kadibna waxay u badheedheen dastuur jebin iyo inay waddankii khalkhal dambe geliyaan.

 

  • Ninka guba dhulkeenee latashada gumaysoow,cadka goosa bowdada,shoow,
  • Kugu garanay ladaad la gurguuranaysee,cidda kuu gargaartiyo gogoshaada lamu cuno,ciidaada lama gubo,xaqood gacanta haysaa Ilaah kugu gargaaraa,

 

  • Gurmarmad ma leh khiyaamoo goorgoortii ka dambeyseey kulasoo go’daa,
  • Waarhooy geed kale waabo geedkaa karoon,
  • Gaashaandhigeeniyo,shicibkoow gorfeeyoo guuldarada raggii dhigay maxaan kaga gam’aynaa?,
  • Waa gar waa gar waa gar Ilaaha,nin waliba wuxu gaystaybaa laga gudayaa,

 

NB

Golaha Guurtiduna Waa Inuu soo Saaro Xeer ama Waxka bedel Qodobada dastuurka oo Awoodaha loogu kordhiyo Golaha Guurtida ee Musdambeedka Qaranka Somaliland ah

 

Haddii talosoo jeedintaydaas sare la qaato,waa in lagu dhqaaqo waxka bedelada qodobada dastuurka,dabdeedna galdoloolooyinka ku jira qodobada dastuurka la qabya tiara,iyada oo Guurtida ee Somaliland awoodaha dastuuriga ah loo kordhinayo,si isdheelitirkii awoodaha waaxaha qaran iyo sugnaanta wadatashigii waaxaha dowladeed ee loo baahnaa ay Somaliland u gaadho.

Nidamkasta oo dowladeed oo maanta dunidan casriga ah jira,wuxuu leeyahay Gole sharci dejineed oo dastuuri ah,kaasoo awood loo siiyay,inay khilaafaadka siyaasadeed iyo muramada dhinaca qodobada dastuurka ah,ee mushkiladaha kala duwan ay ka abuurmi karaan, uu golahaasi go.aamo sharciya ugasoo saaraan,islamarkaana ay cidihii go,aamadaas ka hortimaada ay tallaabo uga qaadaan,iyaga oo aan u garnaqista dhinacyada is haya oo keliya aan ku mashquulaynin,ama aan dhexdhexaadinta dhinacyada siyaasadeed iyo xalinta arrimaha xasaasiga ah oo qudha aanay awoodohoodu ku ekaanaynin,balse waxa golahaas odayaasha xilkooda guud yahay,inay gebi ahaanba meesha ka saaraan,arrimaha iyo barnaamijyada ay khataraha degdega ah ee qaran ka dhalan karaan,sida khilaafaadka natiijooyinka doorashooyinka ee muramaha badani ka yimaadaan WM.

Umadda Somalilandna waxay kaailintaas muhiimka ah u igmanaysaa,aqalkooda odayaasha ama gole dhaqameedka Guurtida,tusaale ahaana awoodaha cusub ee golaha guurtida Somaliland in loo kordhiyo aanu ego ahaan soo jeedinayno waxa ka mid ah.

 

  1. Awoodaha guurtida loo kordhin doono waxa ka mida, magacaabista guddiyada doorashooyinka qaranka,waajibkan oo markii hore 2 xubnod mooyaane,inta kale ay axsaabta tartanka ku jirta iyo m/weynaha musharaxa ah ee tartamay ay soo magacaabayeen.
  2. Tirtiridda Natiijooyinka doorashooyinka haddii la isku khilaafo iyo magacaabista gudiyada doorashooyinka gobolada Somaliland/
  3. Sargoynta mushahaarooyinka madaxweynaha ,mudanayaasha labada gole ee guurtida iyo wakiilada,
  4. Sargoynta mushaharooyinka garsoorayaasha maxkamadaha kala duwan iyo xeer ilaalinta guud
  5. Ka badbaadinta burbur ku yimaado waaxaha qaranka ee Kala duwan,Gaar ahaan gacan ku qabashada talada dalka haddii ay yimaadaan khilaafaad khatar ah oo siyaasadeed ama sharciyeedba.kuwaasoo curyaamin kara habsami usocodkii howlaha qarankan.
  6. golaha guurtidu wuxuu yeelanayaa awood sharciyeed oo uu kaga dalban karo, iscasilaad marka ay shaqsiyaadka xilalka sarsare ee qaran haya ku kacaan hagardaamooyin siyaasadeed ama ay ku kacaan arrin ceeb ku ah milgaha iyo sharafta qaran,ama arrin fool xumo ah oo lidi ku ah waajib gudayashadii wanaagsanayd ee madaxda qaranka lloo igmaday,si ay madaxdu u ilaashadaan doorkii iyo daymadii bulshadii iyaga ku dayanaysay ( model) si u ilaashadaan kalaintii hogaamineed ee maamuuska iyo sharaftii umadeed e dowliga ahyd ee ay jilalka dambe higsanayeen uga muuqato xil gudashada madaxda dowadda jamh,Somaliland.
  7. Awoodaha gudooomiyaha golaha guurtida loo kordhin doono waxa ka mida,inay xilka ka xayuubiyaan masuulka qaran ee ceebihiisa iyo dhaliilihiisu soo shaacbaxaan,tani waa kadib marka uu ka dhega adaygo dalabkii iscasilaadda ahaa ee hore ,dabadeedna shaqsigaas masiilyuaddii qaranka gabay,islamarkaana ilaalinta sharaftii qaran ee golaha guurtida ka tallaabsaday,xil ka xayuubinta waxa uraacaya xadhig inuu mutaysto.
  8. Awoodaha guurtida loo kordhin doono waxa ka mida,,”haddii ay doorashadu mudadeedii ku qabsoomi waydo,xukuumaddii wakhtigu ka dhacay,talada dalka waxay ku wareejinaysaa golaha guurtida,kadibna gudoomiyaha golaha guurtida ayaa noqonaya madaxweyne ku meelgaadha”,isaga oo muddo ugu badnaan sanad ka yar doorashada ku qabanayo,tartankana aan ka qayb galaynin

Ilaahaybaa mahad leh.

COMMENTS
LINKS