Guddoomiyaha Bristol ee Xisbiga Waddani oo Dhaliilay Socdaalkii Tamashlaynta ahaa ee Siilaanyo uu ku Maray Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Bristol ee Xisbiga Waddani oo Dhaliilay Socdaalkii Tamashlaynta ahaa ee Siilaanyo uu ku Maray Hargeysa.
May 16, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews) Guddoomiyaha Laanta Bristol ee Xisbiga Waddani Cabdilaahi Cabdi Cige ayaa Dhaliilay Socdaalkii Madaxweyne Siilaanyo Dhawaan uu ku soo Maray Qaybo ka mid ah Magaalada Hargeysa, Waxanu Sheegay in halkii looga bahnaa in uu Siilaanyo Xaliyo Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhashay Muddo kordhintii Guurtida uu ku meeraysanyo in kolba Maqaaxi Nin Muwaadin ahi leeyahay oo uu ka shaqeystay uu kolba tago, iyada Hawlihii Qaranka ee u hayey Baylaha Yihiin.

gudomiyaha wadani bristol

Guddoomiyaha Laanta Bristol ee Xisbiga Waddani Cabdilaahi Cabdi Cige waxa uu Madaxweyne Siilaanyo kula Dardaarmay in uu Dalka ka Saaro Qaska iyo Jahwareerka uu galiyey.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Warsaxafadeed Kooban oo u dhignaa Siddan. “Madaxwayne waxa lagarabaa in aad Umadii kuxurmaysay ee kudooratay aad qanciso oo dalka kasaarto khilaafka siyaasadeed ee cakiran balse in aad maqaaxi nin muwaadin ahi qurxistay in aad ku meeraysato may ahayn, xilkii laguu doortay baadayacan oo dalka iyo dadkuba tabayaan wasiirkii wasiirada ee ugu tunka waynaa wasiiradaada isna waa ka kumashquulay dakadii Berbera iibkeeda markaa shacabka Somaliland adiga iyo xukumada daada waxa ay ka sugayaan war lagu diirsado oo wadanka jawi dagan kusoo dabaala siyaasadiisa ee Allah ha ku garansiiyo” Ayuu yidhi Guddoomiye Bristol ee Xisbiga Waddani.

COMMENTS
LINKS