Golaha Guurtida Oo Bari U Balansan Mudo Kordhin Iyo Mudaharaado La filayo in Ay Hadheeyaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golaha Guurtida Oo Bari U Balansan Mudo Kordhin Iyo Mudaharaado La filayo in Ay Hadheeyaan
May 2, 2015 - Written by Editor:

Kulan Guurtidu la lahayd Beesha Caalamka Oo Lagu Kala Kacay ,

Hargeysa(Wajaalenews)-Golaha Guurtida, ayaa waxa Maanta ka baaqday Fadhi ay ka yeelan lahaayeen Arrimaha Muddo-kordhinta Xukuumadda iyo Golaha

guurtida 22

Wakiillada oo Wakhtigii ka dhammanayo, waxana fadhigaas loo riixay Maalinta Berri oo ah Axad ku Beegan, maadaama maanta dalku fasax ku jiro.

Aragtiyaha Xubnaha Golaha Guurtida, ayaan midaysnayn, waxase la filayaa in Hadba wixii Shirguddoonka iyo Xubnaha Talo-qabeenka ahi keenaan ay saamayn ku yeeshaan Doodda berri la filayo, waxase jira Xubno dhiirran oo doonaya in Talo laga baaraan degay Bulshada Go’aanka lagu qancinayo lagu saleeyo.

Xubno kamid ah Golaha Guurtida, ayaa wata   in duuduub lagu gudo galo arrinta muddo kordhinta maadaama oo uu distoorku awood u siiyay, waxaana labadan aragtiyood midkood la qaadan doonaa Axada beri oo uu fadhigu furmi doono.

Dhinaca kale xogo warbaahintu heshay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah wadamada caalamka ee taageera dimuqraadiyadda Somaliland aanay natiijo ay ku farxaan kala kulmin kulamo ay la yeesheen shirguddoonka golaha guurtida oo ay doonayeen inay ugaga digaan inay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan wakhtiga ay guddiga doorashooyinku cayintay ee ah 1 June 2016, soo jeedintaas oo la sheegay inay shirgudoonka golaha guurtidu ka gaws adaygeen kuna adkaysteen inay si madaxbanaan u gudan doonaan waajibaadka distoorku siiyay, waxaana la aaminsanyahay in dhambaalada ay beesha caalamku soo saaraysaa ay ka dhasheen kulamadaas aan guulaysan.

Dhanka kale bulshada reer somaliland iyo xusbiyada mucaaridka ah ayaa lafilayaa in maalinta bari ay iskugu soo baxaan mudaraado lagaga soo horjeedo mudo kordhin ka duwan ta komishanku soo saareen oo ay dabada kariixayso xukuumadu, mudoharaadadan ayaa abaabulkooda laga dareemayaa caasimada hargaysa gaar 26juun iyo degmada ibraahim koodbuur taasi oo sii xoojinaysa dhawaaqii suldaanka guud ee subeer awal kaga soo horjeestay mudo kordhin uu wado gudoomiyaha guurida saleebaan gaal

 

Si kastaba ha ahaate shacabka iyo beesha caalamka ayaa indho gaar ah ku haysa muddo kordhinta ay golaha guurtidu samayn doonaan, waxaana la filayaa inay inta ka horaysa 18 May ay sameeyaan muddo kordhin madaxweyne iyo ku xigeen

COMMENTS
LINKS