Gabayga [Samo-diid] Abwaan Sacad Maxamuud Gadhle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabayga [Samo-diid] Abwaan Sacad Maxamuud Gadhle
May 5, 2015 - Written by Editor:

Gabaygan Samo-Diid waxaa tiriyay Abwaan Sacad Maxamuud [Gadhle]Murtida Gabaygani xambaarsanyahay ayaa daaha ka qaadi doonta sida Bulshadu uga sii fogaanayso dhaqankii suubanaa ee salka ku hayay Diinta Islaamka iyadoo bulshadu u sii durkaysa Garta oo aan la siin ka garta leh ka gardaran oo aan la qaban Dirsooca Eexda Cadaalad darada iyo xasadka oo la caadaystay.

Sacad

waxaanu ku bilaabay sidan

Sanadahan xuseenow ma tirin erayo suugaana

Ma subcinin maansooyinkii sadarka toosnaaye

Bal aan saakana furfuro murtiduu saatir igu deeqay

Sahankeeda maansada runtaa lagu saleeyaaye

Saacadii la joogiyo waqtaa lagu sargooyaaye

Sooyaalkana marbaa lagu xusaa sula warkeediiye

Sixirkana marbuu daafacaa sadarka diineede

Sarbeetiyo murtidu marbay suugba noqotaaye

Sanqadheeda marbaa laga didaa salalna qaadaaye

Suntana marbaa lagu qaybiyaa suusta laga qaado

Samahana marbay raadisaa suluxna doontaaye

Afartaa sinaantiyo cadliga saxashadeediidheh

Saadaasha maankiyo murtida saxalbaxeediidheh

Surinkuu danaystuhu mariyo sacabtunkiisiidheh

Toban kale hadaan soo saxoon siinka ka higaadsho

Sabadaan ku noolee saatir igu uumay

Ka salguure reeruhu dhaqankii suubanaan jiraye

Waa duul dirsoociyo jahliga seeska looga dhigaye

Kama suulin maangaab in uu samaha diidaaye

Suuratul falaq kuway sheegtaybaa soonahaa daga

Sawirkooda anaa soo arkoo suuradood garane

Xumahay sameeyaan ragbaa lagu siyaartaaye

Sagaal jeer haduu kugu gafoo sahalna kuu maago

Sumcadooda qaarbay kabtaa oo lagu salaamaaye

Siyaadiyo ninbay ugu daraan xilal suldaaneede

Afartaa sinaantiyo cadliga saxashadeediidheh

Saadaasha maankiyo murtida saxal baxeediidheh

Surinkuu danaystuhu mariyo sacab tunkiisiidheh

Toban kale hadaan soo saxoon siinka ka higaadsho

Waliyada siraatiyo hadaad culimo sooryayso

Sadqo badan hadii laga baxshoo sumalo loo loogo

Hilbo solaya hadii loo dhigoo sixin ku soo shiisho

Doco sooca hadaan uga dalboon samo u wadiiyo

Waa sarkaal waqtigu saacidoo saafi noqon waaye

Salaankay ka hoos qaadayaan saanadaydani

Siba siday ka roontaan lahaa saaka waad xulane

Madax kala saraysaan lahaa samaha heeganbay u galiye

Inta taladu seegtaan lahaa maanta way sixiye

Saamigayga jeeroon heloo saaqid iga baydho

Waxba ha i sasabin awgayoy sadarku waa doore

ERAYADII ABWAAN SACAD X MAXAMUUD [GADHLE]

GABAYGII [SAMO-DIID]

 

 

COMMENTS
LINKS