|
|||||
WAJAALE NEWS
Gabayga [Samo-diid] Abwaan Sacad Maxamuud Gadhle
May 5, 2015 - Written by Editor:Gabaygan Samo-Diid waxaa tiriyay Abwaan Sacad Maxamuud [Gadhle]Murtida Gabaygani xambaarsanyahay ayaa daaha ka qaadi doonta sida Bulshadu uga sii fogaanayso dhaqankii suubanaa ee salka ku hayay Diinta Islaamka iyadoo bulshadu u sii durkaysa Garta oo aan la siin ka garta leh ka gardaran oo aan la qaban Dirsooca Eexda Cadaalad darada iyo xasadka oo la caadaystay. waxaanu ku bilaabay sidan Sanadahan xuseenow ma tirin erayo suugaana Ma subcinin maansooyinkii sadarka toosnaaye Bal aan saakana furfuro murtiduu saatir igu deeqay Sahankeeda maansada runtaa lagu saleeyaaye Saacadii la joogiyo waqtaa lagu sargooyaaye Sooyaalkana marbaa lagu xusaa sula warkeediiye Sixirkana marbuu daafacaa sadarka diineede Sarbeetiyo murtidu marbay suugba noqotaaye Sanqadheeda marbaa laga didaa salalna qaadaaye Suntana marbaa lagu qaybiyaa suusta laga qaado Samahana marbay raadisaa suluxna doontaaye Afartaa sinaantiyo cadliga saxashadeediidheh Saadaasha maankiyo murtida saxalbaxeediidheh Surinkuu danaystuhu mariyo sacabtunkiisiidheh Toban kale hadaan soo saxoon siinka ka higaadsho Sabadaan ku noolee saatir igu uumay Ka salguure reeruhu dhaqankii suubanaan jiraye Waa duul dirsoociyo jahliga seeska looga dhigaye Kama suulin maangaab in uu samaha diidaaye Suuratul falaq kuway sheegtaybaa soonahaa daga Sawirkooda anaa soo arkoo suuradood garane Xumahay sameeyaan ragbaa lagu siyaartaaye Sagaal jeer haduu kugu gafoo sahalna kuu maago Sumcadooda qaarbay kabtaa oo lagu salaamaaye Siyaadiyo ninbay ugu daraan xilal suldaaneede Afartaa sinaantiyo cadliga saxashadeediidheh Saadaasha maankiyo murtida saxal baxeediidheh Surinkuu danaystuhu mariyo sacab tunkiisiidheh Toban kale hadaan soo saxoon siinka ka higaadsho Waliyada siraatiyo hadaad culimo sooryayso Sadqo badan hadii laga baxshoo sumalo loo loogo Hilbo solaya hadii loo dhigoo sixin ku soo shiisho Doco sooca hadaan uga dalboon samo u wadiiyo Waa sarkaal waqtigu saacidoo saafi noqon waaye Salaankay ka hoos qaadayaan saanadaydani Siba siday ka roontaan lahaa saaka waad xulane Madax kala saraysaan lahaa samaha heeganbay u galiye Inta taladu seegtaan lahaa maanta way sixiye Saamigayga jeeroon heloo saaqid iga baydho Waxba ha i sasabin awgayoy sadarku waa doore ERAYADII ABWAAN SACAD X MAXAMUUD [GADHLE] GABAYGII [SAMO-DIID]
Related posts:DAAWO; KHUDBADII MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA SOMALILAND KA JEEDIYAY SHIRWEYNAHA 5AAD EE GOLAHA DHE... Daawo:“Kulmiye Sidaad Ka Warhaysaan Intuu Meesha Yimid Kob Caleen Leh Kamaynaan Soo Durdurin Abaar I... Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Cafis U Fidiyo Kornayl Caarre iyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|