FICILADII KA DHASHAY KORDHINTA DOORASHADA MADAXTOOYADA SOMALILAND .W/Q: Khadar Muxumed Muuse (Koodh) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FICILADII KA DHASHAY KORDHINTA DOORASHADA MADAXTOOYADA SOMALILAND .W/Q: Khadar Muxumed Muuse (Koodh)
May 12, 2015 - Written by Editor:

“Kuwa talada maamulanayee taabna hidin waayay,

Oo aan mujtamacii tusayn tiir uu ku hagaago,

Oo tooda kaliyuun watoo tarandacoo seexday,

Oo waxa islaamnimaddu tahay taababka u gooyay,

Iyana waa tabaalaha adduun taynu aragnaaye”.

Xaaji Aaden af_qallooc.

Waxa ay ahayd shalay markii aan ka soo baqoolay gurigii uu habeen kaas  waa iigu baryay, kana soo raacay bas yar oo ah nooca loo yaqaanno bas caasiga, ka dibna aan u soo jihays nayn aniga iyo dadkii rakaabka ahaa dhinacaa iyo farasmagaalaha caasimadda ee dalka, waxyar kaddib waxaan nimid halkii u jeedkayagu ahaa ee suuqa. sidoo kale waxaan mar kale suuqii ka soo raacay bas kale oo u soo jihaysnaa dhinacaa iyo xaafadda jig jiga yar ee galbeedka magaalada , balse aniga ula jeedkaygu waxa uu ahaa inaan baska kaga dego meel u dhaw maxkamadda sare ee dalka .

Balse maxaa dhacay waxyar uun kaddib markii uu baskii dhaqaaqay una jihaystay dhankaas iyo galbeedka caasimadda.

Waxyar kaddib waxay indhahaygu qabteen kooxo askar qori ley ah oo kooxo kooxo u taagan daariiqyada waaweyn ee caasimadda cay iyo aflagaaddona u geysanaaya bulshoweynta kala duwan ee ku nool caasimadda: dumar,  carruur,  waayeel iyo waxgaradba,  iyagoo si gaar ah u beegsanaayay  dadka wata baabuurka.

Taasina waxay saamayn ku yeelatay aniga iyo rakaabkii baska saarnaa kadib markii ay askartii noo diideen waddadii uu marin-kayagu ahaa, noona leexiyeen waddo kale oo na geynaysay dhinacaa iyo waqooyiga caasimadda waa idaacadda e’.

Rakaabkii qayli una sheeg askartii inay badhkood u socdaan dad xanuusanaaya oo kujira dhakhtarka weyn una sidaan afur ama qureeco, kana codsadeen  askartii inay sii daayaan baska maadaama uu yahay bas rakaab ah oo shacab masaakiin ahi saran yihiin.

Wada hadal iyo is afgaran waa kaddib waxay askartii ugu jawaabeen cay, caga jugleyn iyo qori  dabadii.

Yaabay! oo aamusay, amakaagay! oo naxay! markaan arkay waxan dhacaaya ee ay indhahaygu qabanayaan, Ma runbaa mise waa riyo.

Oo qoriga dabadiisa dadkan lala dhacayaa maxay galabsadeen, miyay mudaharaadeen mise si kale ayaa loo cadaadinayaa isweydiiyay ?  hadalkana kusoo koobay malaha askartu  reer Somaliland  maaha.

Is afgaran waa cay iyo aflagaaddo kaddib baskii noola dhaqaaq dhankaas iyo waddada tagta waqooyiga magaalladda waa idaacadda e’, waxyar kaddib baskii kaga degay agagaarka Akadamiyadda Nabadda iyo Horumarinta oo aanu marka hore marin kaygu ahayn balse dantu na  marisay.

Kadib kusoo dhacay waddada daba marta dhakhtarka weyn ee dhinaca waqooyi ka marta , balse nasiib darro markiiba waxay indhahaygu qabteen Cutubyo ciidan ah oo ku xeeran aggagaarka Aqalka looga taliyo dalka ee madaxtooyada.

Tolow ma col ayaa kusoo duulaaya maanta isweydiiyay?

Waxayse indhahaygu qabanayeen Askarta oo tacadiyo kala duwan u geysanaaya  bulshoweynta kala duwan ee u kala gooshaaya caasimadda Hargaysa, waxaanan markhaati ka ahaa dumarkii muuska, liinta iyo caanaha ku iibinaayay dayrka dhakhtarkaweyn oo ay boob iyo caga jugleyn u geysanayeen Askartu.

Sidoo kale waxay u diideen inay dumarku fadhiistaan goobihii ay hore u fadhiisanayeen ee dayrka dhakhtarka , halkaasi oo ay nolol maal meedkooda kala soo bixi jireen.

Tolow miyaa lagu soo ballamiyay ?

Oo dumar kuna ma muddo kordhinta ayay diiddanaayeen?

Mayee nolol maal meedkoodii ayay raadinayeen dumarku , oo haddaa maxaa lagu haystay?bal adba.

Isku soo wada duuboo saaka mar keliya indhahaygu may qaban dad mudaharaadaaya oo diiddan dawladda ama xukuumadda siilaanyo.

Balse ula jeedka ugu weyn ee  laga lahaa in la xidho dariiqyadda waxay salka ku haysay kordhinta doorashada Madaxtooyada, abwaankeennii weynaa ee Cabdi Iidaan Faarax ayaa tan oo kale si fiican u dhigi jiray. Bal tuducan aan ka soo xigtay maansadiisii Daad-wararac u fiirsada:

“Waxay dameertu hooyada,

Dabada uga nuugtaa,

Debec iyo isku hallayn,

Ma danbaabidhee garo,”

Waxa wali masgaxdayda kasii guuxaaya ereryadii uu adeegsan jiray madaxweyne siilaanyo wakhtiyadii ololaha doorashooyinku socdeen ee sannadkii 2010-kii kuwaas oo ay kamid ahaayeen walaalayaal ii codeeya…………. ii codeeya……………ii codeeya……….

Maahmaah soomaaliyeed ayaa tidhaahda “Basbaas ninkii Beertay buu  Gubaa”

Wabilaahi Tawfiiq.

W/Q: Khadar Muxumed Muuse (Koodh)

Khadar_dagane@hotmail.com

Hargeisa/Somaliland

 

 

COMMENTS
LINKS