Dunida Oo Si Weyn Looga Hadal Hayo Gabadh Yar Oo Kusoo Biirtay Qoyska Boqortooyada Ingiriiska | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dunida Oo Si Weyn Looga Hadal Hayo Gabadh Yar Oo Kusoo Biirtay Qoyska Boqortooyada Ingiriiska
May 2, 2015 - Written by Editor:

London:(Wajaalenews) Warbaahinta Caalamka, ayaa si weyn uga warramaysa Gabadh yar oo xalay kusoo biirtay Qoyska Reer Boqorka Ingiriiska, waxa Xaaska Amiir William ay dhashay Gabadh yar, taas oo warkeeda laga Baahiyey qasriga Kensington.

qoyska boqortoyada

Gabadhan yar ee Qoyska kusoo biirtay, ayaa Noqon doonta Dhaxal sugaha Afraad ee Boqortooyada Ingiriiska, waana sababta keenay in warkeedu meel dheer gaadho.

Sida lagu sheegay hadal qoraal ah, waxaa Kate ay dhashay ilmaha saacaddu markay ahayd 08:34 wakhtiga London.

Amiir William ayaa goob joog ahaa xilliga ay foolanaysay xaaskiisa Catherine, waxaana warkaasi ka soo baxay aqalka qasriga Kensington lagu sheegay inay labadooduba caafimaad qabaan.

Hore ayaa Catherine loo geeyay isbitaalkan oo ay bishii July ee sanadkii 2013 ku dhashay wiilkeedi ugu horreeyay oo ah Amiir George.

Warka waxaa lagu sheegay in boqorada Britain Elizabeth II iyo ninkeeda, Amiir Harry iyo xubnaha kale ee qoyska reer boqor lagu wargeliyay gabadha ku soo biirtay qoyska, isla markaana ay ku faraxsan yihiin.

 

COMMENTS
LINKS