Dhawr Qodob Oo Ay Ku Kala Duwan Yihiin D,Riyaale Iyo Siraanyo.. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhawr Qodob Oo Ay Ku Kala Duwan Yihiin D,Riyaale Iyo Siraanyo..
May 8, 2015 - Written by Editor:

Riyaale….

Dawladii mudane daahir riyaale kaahin ee xisbigii udub waxay  ahayd dawlad qabyaalad ka fayow iyo nin jacleysiga oo si wada jir ah gacmaha laysku wada haystey.

Shaqalaheeda ama madaxdeeda cidii xalad cafimad oo culusi lasoo daristo waa la qaadi jiray oo debada ayaa lagu soo dawen jiray xilkana sidaa ayuu ku hayn jiray oo waxay ahayd dawlad qof walba qiimo uu la leeyahy iyo waliba masuul shaqo ka haya dawlada haduu qof qoyskiisa ka mid ahi xanuunsado Iyana lamid ayay ahayd.

Dawlada riyaale xaga dhismaha ayay ku fashilmatey oo waxay ahayd dawlad aan waxba dhisi jirin haday wado ama deyr noqoto.

mudane riyaale hadiyo goor waxa uu u taagnan jiray ictiraaf oo afka lagama qaadi jirinba hadh iyo habeenba waa la hadal hayn jirey oo kolba rajo fiican ayaa la qabi jirey, xitaa dadka ayaa dhirigelin u noqon jirtey oo tahriibku muu jirin haduu jirayna muu badnayn.

Dawlaadii mudane riyaale waxay ahayd dawlad mabda’a Somaliland ku ad adag oo ay ka dhab tahay. Somaliya lamana maqli jirin cidna shir lalama gali jirin oo cida soo hadal qaada waxay ahayd dambiile qaran iskabada cid u la fadhiisatee.

Dawladii mudane riyaale waxay ahayd dawlad xaga cadaladii ka dhisan oo dadka maxkamadda ku jira hore u kala saari jirey.

Siraanyo……

Dawladan hada joogta ee mudane axmed maxamuud siiraanyo uu hogaanka u yahay waa dawlad qarabo kiil badan oo xigto ah.

Iska daa shaqalee wasiiradiiba iyagoo xanuunsanaya oo dalka jooga xilkii laga qaadaya.

Xaga dhismaha xukumadani way ku wanaagsantahay waana ta ay ku kasbatey horumarka oo wadoyin ilaa xad way dhistey iyo qurxin deyrer meelo badan oo dayac ka muuqdaey way haqab tirtey, wayna ku mahadsantahay.

 

Dawladan mudane siraanyo waxay ka dabaalan kari laadahaba awdal iyo sool ictiraafku ha u danbeeyabe maalin qudhana lagama maqal icitiraafba sidana iyo wax la hal maala, dadkiiba rajo belay oo waad aragta tahriibta maalin kasta hoyo goblan noqonaysa ee dhalintii rajo la’an is biimaynayaan.

Dawladan mudane siraanyo waa dawlad had iyo goor u taagan inay la shiraan somaliya oo aad moodo inayna shirkaa la’aantii talaabsan karayn.

Bal hada dib u eeg manta inta qof ee Somaliland ka soo jeeda ee xilalka ka haya somaliya tiro ma leh. Dawldani waxay ka dhigatey wax iska caadiya oo iyada is barar dhigtey.

Dawladan mudane siraanyo waa dawlada xaga garsoorka ka naafo ah oo manta maxkamada buuqa iyo inta qof ee la kala saari la’yahay waad aragtaa xitaa hadanad lacag bixin cidna waxba ku qaban mayso

 

Abdiqani Mohamed Abdilahi Gardaf                                                                     gardaf@hotmail.co.uk

 

COMMENTS
LINKS