|
|||||
WAJAALE NEWS
Degmada Allaybaday Oo Maanta Guddoomiye Cusub Loo Magacaabay
May 7, 2015 - Written by Editor:Hargeysa:(Wajaalenews)-Digreeto kasoo Baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa Guddoomiye Cusub loogu Magacaabay Degmada Allay Baday ee Gobolka Gabiley. Degreetadan oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa lagu sheegay in Maxamed Xasan Shiil loo magacaabay Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Allaybaday. Wasiirku waxa uu Degreetadiisa ku sheegay inuu ku qancay Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Xirfadiisa, isla-markaana leeyahay Karti uu shaqadaas ku hanan karo. Wasiirku waxa uu Degreetadiisa ku amray Guddoomiyaha Gobolka Gabiley inuu xilkaas si degdeg ah ugu kala wareejiyo Masuulka Cusub eek ii hore oo dhawaan xilkaas laga qaaday. Guddoomiyaha Cusub ee Haatan loo magacaabay Degmada Allay Baday, ayaa ah khabiir muddo dheer kasoo shaqaynayey Dawladda Hoose ee Hargeysa, waxana Kamid ahaa Musharraxiintii Xisbiga Ucid uga sharraxnayd Tartankii Dawladaha Hoose ee Saddex Sano kahor dalka laga qabtay. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|