Dawladda Itoobiya Oo Markii u Horreysay Si Rasmiya u Shaacisay in Midnimada Soomaaliya Tahay faa’iidada dalalka Jaarka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Itoobiya Oo Markii u Horreysay Si Rasmiya u Shaacisay in Midnimada Soomaaliya Tahay faa’iidada dalalka Jaarka
May 9, 2015 - Written by Editor:

“Haddaannu nahay dalalka Soomaaliya la jaarka ah ee Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo kuwa kale-ba Midnimada Soomaaliya waa noo faa’iido…” Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Itoobiya Tedros Adhanom.

Kismaayo, (Wajaalenews)  Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday in Midnimada dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya faa’iido ugu jirto dalalka Jaarka la ah ee ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo kuwa kale ee gobolka geeska Afrika-ba.

WASIIRKA ARIMAHA DIBADA ETOOBIYA

wasiirka arrimaha dibedda itoobiyaWasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Itoobiya Tedros Adhanom, ayaa mar uu Khamiistii khudbad dheer ka jeediyey Munaasibad lagu caleemo-saaray Baarlamaanka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, waxa uu ku sheegay in Midnimada Soomaaliya dan u tahay caalamka, dalalka jaarka iyo kuwa geeska Afrika-ba. Waxaanu sheegay inay si taas loo gaadho muhiim tahay in la yidhaahdo Soomaaliya ha is-raacdo oo weliba dawladda Federaalka taas lagala shaqeeyo.

“Nabad iyo caano Soomaaliya, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha noolaato, Soomaaliya ha is-raacdo, ha is-raacdo, gobolku ha is-raaco, ha is-raaco, Jubbaland ha guulaysato, ha guulaysato, ugu dambayn nabad iyo caano.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Itoobiya Tedros Adhanom.

Waxa uu sheegay Wasiirku inay dawladda Federaalka Soomaaliya oo ay garab-taagan yihiin Saaxiibbadeeda IGAD, Midawga Afrika, Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo Beesha caalamku ay dedaal iyo horumar samaysay, isla markaana meel aad loogu farxo hadda marayso marka loo eego dhinacyada nabadgelyada iyo dhismaha Maamul-goboleedyada, taasoo ay markhaati cad u tahay in Caleemo-saarka Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ee ay Kismaayo u joogaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya ku ammaanay inuu dabacsanaan is-fahan, isu soo dhawayn muujiyey muddada uu joogay, isla markaana ku guulaystay dhismaha Maamul-goboleedyada la dhammaystiray ee Jubbaland ka mid tahay, Koonfur-Galbeed ka mid yahay iyo kuwa ay dawladdu hawsheeda ku jirto, laguna wado in la dhammaystiro inta ka horraysa doorashada 2016-ka ka qabsoomi doonta Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Itoobiya Tedros Adhanom, waxa uu intaas ku daray in nasasho la’aanta dedaalka Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya muujiyey keentay in guul laga gaadho dhismaha Maamulka Jubbaland, kaasoo uu sheegay inuu yahay Madaxweynihii ugu horreeyey ee muddo 24 sano taga Kismaayo ee soo maray Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh 24 sano waa Madaxweynihii ugu horreeyey ee Kismaayo booqasho ku yimaadda.”

“Waxaan arkayaa horumarka iyo guulaha ay Soomaaliya gaadhay, waa sababta aan u lahaa; ‘Soomaaliya Nabad iyo Caano, Soomaaliya ha Is-raacdo. Markaa, waa inaynu nidhaahnaa Soomaaliya ha noolaato oo ha-israacdo, waayo? Haddaannu nahay dalalka Soomaaliya la jaarka ah ee Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo kuwa kale-ba Midnimada Soomaaliya waa noo faa’iido, horumarka Soomaaliya waa horumarkayaga.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Itoobiya Tedros Adhanom.

Waxaanu Wasiir Edros soo jeediyey inay Afrika iyo dunida kaleba ay waajib ku tahay in la garab-qabto Soomaaliya si loo gaadho himilada ah in la helo Soomaaliya oo mid ah oo cageheeda ku taagan, isagoo u mahad-celiyey guud ahaan cid kasta oo ka qayb-qaadatay inay Soomaaliya soo gaadho halka ay maanta marayso ee dib-uga-soo kabashada colaadaha 24-kii sano ee u dambeeyey ka socday waddanka Soomaaliya.

COMMENTS
LINKS