DAAWO;Xukuumada Iyo Ganacsatada Dalka Oo Ku Heshiiyay In Wax Lagu kala Iibsan Karo Shilinka Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;Xukuumada Iyo Ganacsatada Dalka Oo Ku Heshiiyay In Wax Lagu kala Iibsan Karo Shilinka Somaliland
May 25, 2015 - Written by Editor:

HARGAYSA(Wajaalenews)Iyadoo sanadihii ugu danbeeyay shabaka Somaliland dhibaato xoogan oo dhinaca sixir bararka ah kaga cabanayeen hoos u dhaca ku yimaada Shilinka Somaliland, ayay Xukuumaddo daraaso badan oo dhibtaas lagaga baxo u hawl gashay, waxaana maanta Shir Jaraa’id Oo Si Wada Jir Ah Xafiiska Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Ay Ugu Qabteen Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Ganacsiga , Gudoomiyaha Baanka Dhexe, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, iyo Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Waaweyn Ee Somaliland Ay ku shaaciyeen In Maanta Laga Bilaabo Ay heshiis iyo Go’ aan Ku Gaadheen In Dalka Lagu Dhex Isticmaalo Isla Markaana Wax Lagu Kala Iibsado Shilinka Somaliland Taas Badelkeedana Ay Joojiyeen Isticmaalka Lacagta Adag ee Dolar, oo iyadu ah mida hoos u dhigaysay qiimaha Shilinka Somaliland.

https://youtu.be/bpursBIw7AU

Guddida Wasiirada iyo Mareeyayaasha isugu jira waxay sababta go’aankan loo qaatay ku tilmaameen Ka Dib Markii Qiimo Dhac Iyo Hoos U Dhac Weyni Uu Ku Yimi Shilinka Somaliland Sidoo Kalana ay kor u kacday maciishadii waddanku.

 

COMMENTS
LINKS