|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO“Waxaan Madaxweyne Siilaanyo Uga Digayaa Inuu Yidhaa Xasan Ciise, Faysal Cali Waraabe iyo Cali Guray Hargeysa Shir Kuma Qaban Karaan” Mujaahid Cali Guray
May 12, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Madasha wadatashiga iyo Asxaabta Mucaaradka ayaa yeeshay kulan ay kaga wada hadlayaan waxa laga yeelayo Muddo kordhinta Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo wakiilada loo sameeyay ee ah halka sanno iyo 10-ka bilood, waxaanay isla garteen in Mucaaradku fidiyo gogol wadatashi oo qaybaha bulshada la iskugu yeedho si arrimaha dalka looga wada hadlo. https://youtu.be/2byn57-z2BU
Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland ayaa asxaabta Mucaaradka ah kula talisay inay hormuud ka noqdaan talo laga yeeshay arrimahan siyaasadeed ee taagan, iyadoo Mucaaradkuna aqbalay “Waxaan halkan u nimid inaan Madasha wadatashiga u gudbiyo Farriin aan uga sido Gudoomiyaha Xisbiga Ucid oo ah inaanu hormuud ka noqono oo fidino gogosha Shir wadatashi qaran ah oo lagu soo dhisayo dawlad dalka gaadhsiisa doorasho, dawlad markaan ku leeyahay Xukumad uun maaha ee macaal guurti ayaa ku jirta “ ayuu yidhi Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Ucid Mujaahid Cali Guray. – Related posts:Wasiir waran-cadde Oo Aamusnaan Ku Daawaday fadeexad ka Dhacday Xafiiskiisa Oo Ay Maayarka berbera ... War Deg Deg Ah; Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Oo Goor Dhawayd Ku Geeriyooday Magaalada Harg... Shirkii Golaha Wasiirada Jsl Oo Lagu Ansixiyay Xeer Muhiim ah + Mawqifka Xukuumada Ee Dadkii Lagu La... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|